4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 27, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo aroortii saaka si Nabad ah kula wareegay Degmada Buurhakaba


Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa 7:00 aroonimo saakay oo Arbaco ah si nabad ah kula wareegay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, kaddib markii ciidamadu labaadii maalmood ee lasoo dhafay ku dhawaanayeen degmadaas.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhego-badan) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen degmada Buurhabaka iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah.

“Ciidamada dowladda iyo kuwa walaalaha ah ee AMISOM waxay saakay si nabad ah kula wareegeen degmada Buurhakaba, xaaladda degmaduna waa mid deggen,” ayuu yiri Jen. Dhego-badan oo intaas ku daray in ciidamadu ay isku diyaarinayaan inay isku furaan Baydhabo iyo Buurhabaka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Buurhabaka ayaa iyagna sheegay inay soo galeen saakay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ayna xaaladdu tahay mid deggen, iyadoo aan la ogeyn halka ay aadeen xoogaggii Al-shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isaguna sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gudaha u galeen degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, isagoo la wareegisteeda ku tilmaamay.

“Waxaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeynayaa guusha ay ka gaareen degmada Buurhakaba, guushanna waa mid u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo dhan,” ayuu yiri C/kariin Fiqi.

Degmada Buurhakaba oo 187-km dhinaca Waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho ayaa waxay noqonaysaa degmadii afaraad oo ka tirsan gobolka Bay oo Al-shabaab laga qabsado tan iyo sannadkii hore.

Xarakada Al-shabaab oo aan la ogeyn halka ay ciidamadoodii ku sugnaa degmada Buurhakaba aadeen ayaan weli ka hadlin la wareegista ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen degmada Buurhakaba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya