4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Bannaabax lagu taageerayo midnimada Soomaaliya oo Buuhoodle ka dhacay (SAWIRRO)


Sabti, February 02, 2013(HOL): Isu soo bax lagaga soo horjeedo kala goynta  Soomaaliya isla markaana lagu taageerayo midnimada umada Soomaaliyeed inay tahay mid lama taabtaan ah ah ayaa lagu qabtay magaaladda Buuhoodle gobolka Cayn.

 

Isu soo baxan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah Bulshad degaanka Buuhoodle ku dhaqan siiba bahda taageerta maamulka Khaatumo ayaa waxaa ay socod ku soo marreen jidadka magaaladda Buuhoodle iyadoo ugu danbaytii ay  fagaare  dugsiga Darwiish  ay kala hadleen qaar ka mid ah dadka degaankaasi magaca ku leh oo ay ka mid ahaayeen maamulka Khaatumo.

 

Madaxweynaha maamul Goboleedka Khaatumo Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu wax lala yaabo  ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxmuud  Faroole oo uu ku sheegay waxaan bulshad reer Puntland marna ku riyoon.

 


Hadalkan oo madaxweyne Faroole uu ku sheegay in uu wadahadal u socdo Puntland iyo Somaliland  si ay go'aan mida uga qaataan ayaa Indhasheel uu ku tilmaamay inuu yahay hadalka shaydaanka, isagoo sii sharxayana waxaa uu tilmaamay in qofka haatan kalagoyn ummada Soomaaliyeed ka shaqaynayaa uu yahay Shaydaan.

 

Indhasheel waxa uu ugu baaqay dadweynaha reer Puntland ka hortagaan wixii waxyeelaya rabitaankooda ku wajahan Soomaalinimada, ayna ka digtoonaadaan shirqooladda la maleegayo.

 

Waxaa madashaasi ka hadlay dad badan oo magac iyo mansab ku leh degaanka Buuhoodle oo dhamaantood dhacdo layaableh ku tilmaamay hadaladda madaxweynaha Puntland uu ku diidan yahay Dawlada Soomaaliyeed isla markaan inuu gooni u gooyo qayb kale uu ku baadidoonaayo.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa dad badan yaab ku keenay in qayb labaad ay ku dhawaaqdo ama ku hanjabto inay Soomaaliya ka goosanayaan xili caalamku ku hawlan yahay in la soo celiyo Somaliland oo 21 sano ka hor ku dhawaaqday inay ka goday Soomaaliya inteeda kale, taas oo maara u weydey inay caalamka ka dhaadhiciyaan in laga aqbalo aqoonsi.




  

Saynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online

[email protected]

Laascaanood, Gobolka Sool