4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo howlo shaqo u jooga London


Sabti, February 02, 2013-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah  oo howl shaqo u jooga London ayaa maanta kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska.

Kulamadaan ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay R/Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Faarax Sh. Cabdulqaadir, la-taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa saaka qaabilay saraakiisha ugu sarreysa xagga amniga ee dowladda Ingiriiska, waxaana halkaas looga hadlay qaabkii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabadda, Amniga ayaa wuxuu kow ka yahay Lixda tiir Sayaasadeed ee  dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmay hey’adda u qaabilsan dowladda Ingiriiska, dhanka  horumarinta.Goobtaas wuxuu Madaxweynaha ka sharaxay qaabka ay dowladda Federaaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay u geyso geeyso adeega bulshada gobolladda dalka oo dhan.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa  ku tukaday Masaajidka Islamic Cultural Center, halkaasna uga mahadceliyay maamulka masjidka, adeegga ay u hayaan Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska.





Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya