4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 2 , 2013
Magaalada Hargeysa oo lagu soo bandhigay buug laga qoray Taariikhdii Shiikh Isxaaq oo loo bixiyay Dheemantii Lagu Maamusay Maydh

Sabti, Feberaayo 02, 2013 (HOL) — Buug cusub oo lagu soo koobay taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed ayaa xalay lagu soo bandhigay hoolka hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa ee xarunta Somailland.

Xaflad loo sameeyey daah-furka buugan cusub oo si qoto dheer uga warramaya taariikhdii Sheekh Isxaaq Binu Axmed oo ay ku abtirsadaan qaar ka mid ah beelaha dega Somaliland ayaa waxa ka soo qaybgalay dadweyne aad u faro badan iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo amaanay buugan iyo taariikhda uu ka hadlayo.

Xafladan lagu soo bandhigayey Buugga waxa soo qaybanqaabiyey wargeyska Jamhuuriya oo hore u daabacay buuggaas oo loogu magac-daray “Dheemantii Lagu Maamusay Maydh’, isla markaana uu qoray Badhasaabkii hore ee Gobolka Hargeysa Mr. Maxamed Cabdi Daa’uud, waxaana daahfurkaasi ka soo qaybgalay  Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, Xoghayaha Guud ee xisbiga KULMIYE Mr. Xasan Siciid Yuusuf, Maareeyaha Guud ee Jamhuuriya Media Group (JMG) Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil iyo mart-sharaf kale oo tiro badan.

Maareeyaha Guud ee Wargeyska Jamhuuriya Mr. Mustafe Sacad Dhimbiil oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in wargeyska Jamhuuriya hore buuggan oo dhammaystiran si taxane ah u daabacay, isagoo tilmaamay in buuggaasi xambaarsan yahay xogo aad u muhiim ah oo ku saabsan taariikhdii Sheekh Isaxaaq Binu Axmed oo hadda ka hor aan waxba laga qorin, waxaannu u mahad-celiyey qoraaga Maxamed Cabdi Daa’uud.

Waxa kale oo Maareeyuhu uu guud ahaan bulshooyinka ku abtirsada Sheekh Isaxaaq ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iidaystaan xogaha buuggani xambaarsan yahay si ay wax uga bartaan isirkooda iyo halka ay ka soo jeedaan.

Sheekh Ismaaciil Muxumed Ibraahim  oo aqoon fiican u leh taariikhda Sheekh Isxaaq ayaa isagu si qooto dheer uga sheekeeyey maraaxisha ay soo martay sooyaalka Sheekh Isxaaq, isagoo aakhirkiina da’ yartii iyo masuuliyiintii madasha timi ku dhiirigeliyey inay si fiican u dhugtaan taariikh dhacdooyinka iyo taariikhda uu buuggan xambaarsan yahay.

Xogyaha Guud ee xisbiga KULMIYE Xasan Siciid Yuusuf oo ka mid ahaa akhristayaashii sida joogtada ah ula socday qormooyinkii buugga ee sida joogtada ugu soo bixi jiray wargeyska Jamhuuriya, kaasoo faahfaahin ka bixiyey waxyaabihii xiiso geliyey ee uu buuggu xambaarsana, isla markaana ku amaanay qoraaga inuu dadkiisa u soo gudbiyey wax dhaxal gal u noqda oo laga faa’iidaysan doono.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isagu tilmaamay inuu hore ugu talo jiray in uu aasaaso mac-had lagu barto culuumta diinta oo laga aasaaso halka uu ku aasanyahay si wax loogu baro da’yarta soo koraysa, isagoo u soo jeediyey dhammaan dadkii buuggan ka qaybqaatay hirgelintiisa inay arrintaasna ka shaqeeyaan si shacabka loogu faa’iideeyo, laguna baro diinta iyo taariikhdooda.

Qoraaga Buugan Maxamed Cabdi Daa’uud oo isagu qoray buggaag badan, qaar kalena turjumay ayaa dadka halkaas uga akhriyey waxyaabaha ugu muhiimsan ee buuggiisan xambaarsan yahay, isagoo waliba si qoto dheer u taabtay dhacdooyin tabanaayey dhibaatooyinka taariikheed ee uu soo maray Sheekh Isxaaq.

Qoraaga Buugan ayaa inta badan ka soo xiganayey qoraalo badan iyo buugaag badan oo ku qoran af carabi oo laga qoray Sheekh Isxaaq, kaas oo uu af soomaali ku soo turjumiyey, isagoo sheegay in buugaagtaasi uu ka soo xigtay ay yihiin kuwa ay qoreeen qoraayo carbeed oo qoraalkooda la is ku waafaqsan yahay, isla markaana aad loo ixtiraamo buugaagtoodda.

Dadweynihii halkaas ka qaybqaatay ayaa iyagu su’aalo ka weydiiyey qoraaga buuggisan, waxaanu dhamaantood uga jaaabnay su’aalihii ay waydeen dadweynihii u badnaa ardayda jaamacadaha.Waxaana halkaas lagu iibsaday buuggaagtii ugu horraysay ee laga daabacay buuggan, kuwaasoo dadweynihii ka soo qaybgalay ay aad uga heleen waxyaabaha uu xambaarsan yahay buuggani.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland