4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 15, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo ka soo horjeesatay in Kenya Ciidamadeeda Badda ay ka hawlgalaan biyaha Soomaaliya
Jimco, February 15, 2013 (HOL) - Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka hortimid qorshe ay Kenya gaysay golaha ammaanka ee qaramada midoobay, kaasoo ay ku doonaysay in lacag lagu siiyo ka hawlgalida ciidamadeeda badda gudaha biyaha Soomaaliya.

Dawlada Kenya ayaa hordhigtay golaha ammaanka qorshe ay ku codsanayso lacag dhan $10 milyan, oo ku baxaysa hawlgallo dhanka badda ah oo ay fulinayaan ciidamada badda ee Kenya.

Safiirka qaramada midoobay u fadhiya dawlada Kenya Macharia Kamau ayaa ku dooday in ciidamada Soomaaliya aysan awood u lahayn wax ka qabashada dhaqdhaqaaqyada ay Alshabaab ka wado dhanka badda, gaar ahaana hubka uga soo dagaya xeebaha loona baahanyahay inay arrintan wax ka qabtaan ciidamada badda ee Kenya oo hoostagaya hawlgalka midowga afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Waxaase arrintan si lama filaan ah uga jawaabtay Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Marwo Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan oo sheegtay in arrimaha hubka kasoo galaya badda, burcad badeeda iyo tahriibkuba ay yihiin arrimo dhibaato ah, balse aysan ku jirin shaqadii loo xilsaaray ciidamada Amisom ee ka hawlgala Soomaaliya.

Fawziya ayaa sheegtay in dawladda Soomaaliya aysan aqbalaynin in hawlgalka Amisom loo sharciyeeyo inay ka hawlgali karaan dhanka badda sida lagu qoray wargeyska ugu afka dheer dalka Kenya ee "The Daily Nation".

Arrintan ayaa la isla soo qaaday xilli golaha ammaanka ee qaramada midoobay uu ku doodayay sidii Soomaaliya looga qaadi laha cunaqabataynta ka saaran dhinaca hubka.

Waxayna tallaabada dawlada Soomaaliya ay ku diiday qorshaha Kenya ay waji gabax ku noqonaysaa xukuumada Kenya oo qorshahan diyaarinaysay muddo dheer, kaasoo ay ku heli lahayd malaayiin lacag ah iyo sidoo kale qalab iyo taba-barro dheeri ah oo la siiyo ciidamada badda ee Kenya.

Inkastoo uu safiirka Kenya ee qaramada midoobay ka sheegay goobta in Kenya ay ixtiraamayso go'aanka dawlada Soomaaliya ayna tahay in iyadu ay go'aan ka gaarto sidii loo caawin lahaa ayaa haddana laga yaabaa in arrintani ay keento xurguf diblamaasiyadeed oo dhexmarta dawlada federaalka ah ee Soomaaliya iyo xukuumada Kenya oo awalba aan isku aragti ka ahayn qaabka loo maaraynayo maamul u samaynta gobollada Jubbooyinka.

Waxaase uu Mr. Kamau sheegay inay wali ka rajo qabaan in qorshahooda uu taageero ka helo golaha ammaanka ee qaramada midoobay.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya