4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo uu ku dhintay ruuxii fuliyay, khasaare dhaawacyo ahna sababay.

Weerarka Ismiidaaminta ah oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa lala beegsaday taliye ku xigeenka ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale weerarka lagu dhaawac kasoo gaaray sarkaalka, iyadoo ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo isugu jira shacab iyo ciidammo.

"Annagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta dalka, si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Alshabaab taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid oo intaas ku daray "Kooxda Al-shabaab  ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo min-guuriyey dibadda dalka. Waxaana halkaan tacsi uga dirayaa dadkii ku wax yeeloobay qaraxaas."

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si buuxda ugu taageerayso maamulka Puntland dadaallada ay ku adkeynayso ammaanka deegaannada ay ka taliyaan.

Xaaladda degmada Gaalkacyo ayaa deggen, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca Gaalkacyo, gaar ahaan deegaannada ay ka taliso Puntland.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid ay Al-shabaab ka dambeyso, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu ka dhacay magaalada Boosaaso mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka Faroole.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya