4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 11, 2013
Xildhibaanno ka socda Burundi oo Muqdisho kula kulmay Madaxda Dowladda, Ciidamada AMISOM iyo Ergayga AU-da (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Xildhibaanno ka socda dalka Burundi, ayaa maanta kula kulmay Muqdisho madaxda dowladda Somalia, ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho iyo ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalix Anaadiif.

Wafdigan oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sheegay in safarakooda uu yahay mid ay ugu kuurgelayaan howsha ay ciidamadooda ka wadaan dalka Soomaaliya.

“Soomaaliya waxay hadda ku jirtaa kasoo kabashada dagaallo muddo dheer ka socday. Waxaana ka socda howlo dib loogu dhisayo kaabayaasha dalka, iyo sidoo kale howl lagu soo celinayo ammaanka guud,” ayuu Annaadiif u sheegay wafdiga ka socday dalka Burundi.

Sidoo kale, Ergayga AU-da wuxuu wafdiga u sheegay in xilli aad muhiim u ah ay kusoo beegeen booqashadooda Soomaaliya, si ay ugu faa’iideeyaan ulana wadaagaan khibradihii ay ka dhaxleen dagaalladii sokeeye ee dalka Burundi ka dhacay.

“Ciidamada Burundi ka socda ee halkan (Soomaaliya) ku sugan howl aad u wanaagsan ayay hayan, waxayna qayb weyn ka yihiin howsha lagu doonayo in lagu soo celiyo ammaanka Soomaaliya oo ay qaybta ka yihiin dalal badan oo Afrikaan ah,” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxay ku sugnaan doonaan Muqdisho illaa maalinta Khamiista ah ee soo socota, iyagoo kulammo kala duwan la qaadan doona madaxda dowladda, xildhibaannada iyo saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

“Aad ayaan ugu faraxsannahay isbedelka siyaasadeed iyo midka ammaan ee ka muuqda Soomaaliya, waxaan sidoo kale ku faraxsannahay in ciidamada Burundi iyo kuwa kale ee saaxiibadood ah ay ka qaateen isbedelkan dhacay,” ayuu yiri Emilien Hakizimana oo ah madax wafdiga ka socda dalka Burundi.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan eegi doonnaa howsha ay ku caawinayaan ciidamadeenna shacabka Soomaaliyeed si ay u helaan nabad iyo deggenaasho taam ah. Waan ku qanacsannahay horumarka ay ciidamadeennu ka gaareen dagaalkii lala galay kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab.”

Sidoo kale, ergada ka socda dalka Burundi waxay sheegeen inay sidoo kale soo dhaweynayaan horumarka ay ciidamada kale ee AMISOM ka tirsan ka gaareen dagaalka lagula jiro Al-shabaab laguna soo celinayo ammaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, wafdiga reer Burundi waxay la kulmeen guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, xidlhibaanno iyo madaxweynaha Soomaaliya iyagoo kala hadlay socdaalka ay ku yimaadeen Muqdisho iyo sida ay uga go’an tahay inay ka taageeraan Soomaaliya wixii awooddooda ah.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya