4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 1 , 2013
Ardayda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia oo hoggaan cusub doortay (DAAWO SAWIRRO)


Jimco, February, 01-2013(HOL): Isku xirnaanta iyo iska warqabka ka dhaxeeya ardayda soomaaliyeed ee wax ka barta  wadanka Malaysia ayaa sanad waliba bilawgiisa waxey doortaan gudoomiye kaasoo ka war haaya dhamaan ardeyda soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha Malaysia, sanadkaana waxey u doorteen gudoomiye Cabdulaahi Maxamed Cali “Sultan.

 

Tartanka  guddoomiyenimada Ardayda Malaysia oo ay isu soo taageen  Cabdulaahi Maxamed Cali “Sultan” iyo Ibraahim Xasan Xaaji ayaa waxaa 212 guddoomiye loogu doortay Cabdullaahi Sultan, halka Ibraahin Xaaji uu ka helay 67 cod. Doorashada ayaa u dhacday si xaq ah oo u xor ah, waxaana taasi fududeeyay iyadoo ardeyda waliba la weydiinaayey baasaboorkiisa sharcigiisa iyo weliba ID-ga uu ku dhigto jaamacada, si looga hortago in qof aan arday ahayn uu hoolka soo galo.

 

Waxaa goob joog ka ahaa halka doorashada ka dhaceysey gudoomiyaha jaaliyadda soomaaliyeed Malaysia Dr Muuse, aqoonayahannad soomaaliyeed ee wax ka dhiga jaamacadaha ku yaala Malaysia iyo weliba guddoomiyahaashii horay u soo maray ururka ardeyda soomaaliyeed ee Malaysia.

 


Nidaamka iyo kala danbeyta ayaa waxaa gacanta ku haayey guddi loogu talagalay oo xirnaa dress qura muujinaayeyna astaanta calanka soomaaliya.

 

Xafladda ayaa guud ahaan waxay ku dhacday jawi degan oo aan ka dhalan wax rabshado ah, taasoo mudan in lagu daydo, waxaa is-gacan qaaday ugu dambeytii musharaxii laga guuleystay iyo weliba gudoomiyaha cusub Mudane Sultan, waxeyna labaduba sheegeen inay ku faraxsan yihiin natiijada, isla markaana ay ku dhacday cadaalad, waxeyna balanqaadeen inay wada shaqeyn doonaan.

 

Ugu dambeyntii guddoomiyaha cusub Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali “Sultan”ayaa u mahad celiyey inta u codeysey iyo waliba inta aanan u codeynin, wuxuuna ballanqaaday inuu fulin doono ballanqaadyadii uu soo bandhigey xiligii uu soo jeedinayn qudbaddiisa ku aaddaneyd waxqabadka mustaqbal, wuxuuna ka codsadey ardeyda dooratey inay la shaqeeyaan dhammaantooda.











 

Saciid Cumar Maxamed

[email protected]

Kuala Lumpur, Malaysia