4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Maanta Dood-cilmiyeed ku saabsan Xoojinta Nabadda loogu qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay sidii ay  odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uga badbaadin karaan dhallinyarada in aan loo adeegsan colaadaha ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda CCD ayaa waxaa khudbado ka jeediyay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed oo ka hadlayay in dhallinyarada lagu hoggaamiyo waddada saxda.

Nabaddoon, Maxamed Xasan Xaad oo kulanka ka hadlay ayaa ku amaanay hay'adda CCD doorka ay siiso odayaasha dhaqanka ee dhinaca nabadeynta iyo sidii loogu caqli-celin lahaa dhallinyarada.

"Marka hore dhallinyarada waxaan ku waaninayaa inay ka waantoobaan inay qaataan fikaradaha wax lagu burburinayo, ayna maraan waddada saxda ah. Dhallinayarada in waxay nabaddu tahay la baro ayaa muhiim ah, in loo caqli celiyo ayaa iyaduna mid wanaagsan ah,” ayuu yiri nabaddoon Xaad

Caaqil Iimaan Jimcaale oo isna kulanka ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay in kulammada iyo siminaarrada la joogteeyo, isla markaana odayaasha dhaqanka la xoojiyo, si ay kaalin muuqata uga qaataan dhaqan-celinta dhallinyarada la marin habaabiyay iyo sidii waddada saxda ah loogu hoggaamin lahaa.

Sidoo kale, waxaa isaguna hadlay Islow Abuukar Socdaal Abtidoon oo xusay in sida kaliya ee hay'adaha amniga iyo odayaasha iskula shaqeyn karaan ay tahay in marka hore la helo daacadnimo, isla markaana oday-dhaqameedku ay hormuud u noqdaan xasilinta iyo nabadeynta dalka.

"Wacyi-gelintu waxay ku billaabataa qoys illaa qaran, waa in oday kasta uu qoyskiisa xisaabiyaa, yaan laga cabsan carruurta, waa in lagu dadaalaa in canugga aad dhashay si gaar ah uga war-qabto, si hadhow aan loo marin habaabin ama uusan ku dhicin dabinka Al-Shabaab, waxaa muhiim ah inay dowladda kaalinteeda la timaado oo ay sameyso xerooyin lagu dhaqan-celiyo dhallinyarada," ayuu yiri C/qaadir Xasan Warsame oo isaguna kulanka hadal ka jeediyay.

Warsame oo sii hadlay ayaa sheegay inay nasiib-daro tahay in dhallinyaro jaamacadaha ka baxa ama wax bartay la qaldo, loona soo diro inay dilaan waalidiintooda, waxaana uu xusay in taas looga hortagi karo in odayaasha dhaqanka u istaagaan in laga wacyi-geliyo fikradaha qaldan ee lagu shubay.

Macallin Xasan Fariid oo isna hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in maalin walba dadka la baraarujiyo, isla markaana qaladaadka jira la saxo, si jiilka cusub ee dhallinyarada soo koraya aysan waddo qaldan ugu dhicin, isla markaana loo horseedo horumar iyo nabadgalyo buuxda.

"Waa in marka hore la kordhiyaa wacyi-gelinta, in doodaha iyo siminaarrada la badiyo qaladaadka badan ee jirana la saxo, dhallinyarada la qadayna la turso tubta toosan," ayuu yiri Macallin Fariid.

Ugu dambeyn, ka qayb-galayaasha doodda ayaa is weydaarsaday fikrado iyo talooyin ku saabsan sidii waxyaabaha ay ka faa'ideen ama ka kororsadeen ay u gaarsiin ahaayeen bulshada inteeda kale.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya