4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 9 , 2013
Dibad-bax ka Dhashay Dil Xalay loo Geystay Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamada Xoogga dalka oo ka dhacay Beledweyne (SAWIRRO)


Isniin, December 09, 2013 (HOL) — Dibadbaxayaal careysan ayaa maanta albaabada isugu dhuftay goobihii ganacsiga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kadib dil xalay magaalada loogu geystay sarkaal ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka oo lagu magacaabi jiray Col. Xaanshi Xusseen Diiriye.

Taliyaha saldhiga booliiska magaalada Beledweyne G/dhexe Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla oo warbaahinta la hadllay ayaa faah faahin ka bixiyay dilka xalay ka dhacay magaalada, isaga oo sheegay in dalkaasi ka danbeeyeen ciidamada militariga dowladda Soomaaliya oo toogasho ku dillay sida uu hadalka u dhigay Col Xaanshi Xusseen iyo askari ka tirnasaa ciidamada dowladda.

“Waxaan idiin xaqiijinayaan in dilka sarkaalka iyo askariga kale ee dhintay ay ka danbeeyeen ciidamo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya, qaar ka mid ah kuwii dilka ka danbeeyay gacanta ayaa lagu hayaa, baaritaan ayaana socda’’ ayuu yiri G/dhexe Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle.

Dadka isugu soo baxay jidadka magaalada ayaa dhagaxaan ku tuurayay goobaha ganacsiga, iyaga oo sidoo kalana Taayaro ku shiday bartamaha magaalada, waxaana ay dadka ugu baaqayeen in ay dbadbaxa ka qeyb-qaataan.

Mid ka mid ah dadweynaha dibadbaxa ka qeyb-gallayay  oo la hadllay HOL ayaa sheegay in aysan joojin doonin rabashadaha ay dhigayaan ilaa sida uu hadalka u dhigay maamulka jawaab ka bixinayo dilka sarkaalka ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka.

Lama oga ugu danbeytii jawaabta uu maamulka ka bixin doono cabashada dadweynaha dibadbaxa dhigaya oo gabi ahaanba joojiyay dhaq-dhaqaaqii ganacsiga magaalada.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya