4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Madaxweynaha Soomaaliya oo la siiyay Talooyin ku aaddan Sifooyinka laga doonayo inuu yeesho Ra’iisul Wasaaraha Cusub


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo billaabay wadatashiyo ku saabsan ra’iisul wasaaraha cusub ee soo magacaabayo ayaa waxay xidhibaanno iyo xubno bulshada rayidka ah ka tirsan oo la kulmay ay sheegeen inay siiyeen talooyin ku aaddan sifooyinka laga doonayo inuu yeesho ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo.

Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka oo la hadlayay VOA-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inay kulan la yeesheen madaxweyaha ayna siiyeen talooyin dhowr ah oo laga doonayo inuu yeesho ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka.

“Madaxweynaha waan la kulannay waxaana siinnay talooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin: in ra’iisul wasaaraha cusub uu yahay qof la socda siyaasadda dalka, sida deegaannada, dhaqanka iyo maamullada dalka ka jira. Waa inuu noqdaa qof la socda siyaasadda gobolka geeska Afrika iyo danaha dalalka aan dariska nahay nagala dhexeeya iyo inuu yahay ruux la socda danaha siyaasadeed ee dalalka Carabta iyo kuwa reer galbeedku ay ay ka leeyihin dalkan,” ayuu yiri Xildhibaan Seed.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay inay madaxweynaha u sheegeen in laga doonayo ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo inuu yahay qof aragti dheer, isla markaana ka shaqeeya sidii dalka doorasho xor ah uu ku gaari lahaa sannadka 2016-ka.

Cabdi Maxamed Nuur oo ahaa wasiir-u-dowlihii lacagta ee dowladdii Carta oo ka mid ahaa xubno ka tirsan bulshada rayidka ah oo iyaguna madaxweynaha la kulmay ayaa u sheegay VOA-da in madaxweynaha ay ku boorriyeen inuu soo magacaabo nin aan hanti doon ahayn.

“Waxaan madaxweynaha kula talinnay in ra’iisul wasaaraha cuusb ee uu soo magacabaayo uu noqdo qof dhibaatadii uu dalkan soo maray ka saara oo isla markaana gaarsiiya horumar mustaqbal wanaagsan leh,” ayuu yiri Nuur oo intaas ku daray in madaxda ay u bateen kuwo dhaqaale doon ah, taasna loo baahan yahay in laga feejignaado.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo warbaahinta la hadlay markii ay xildhibaannada baarlamaanka si aqlabiyad ah kalsoonida ugala laabteen xukuumadda ra’iisul wasaare Saacid ayaa sheegay inuu wadatashiyo badan la yeelanayo qaybaha blushada ka hor inta uusan soo magacaabin ra’iisul wasaarihii bedeli lahaa Saacid.

Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday inay xukuumadda ra'iisul waasare Saacid siiyaan kalsooni ay kusii shaqeyso, iyadoo madaxweynaha looga fadhiyo inuu muddo 30-maalmood gudahood ah uu kusoo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub, sida uu qabo dastuurka dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya