3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Xuska Maalinta Qowmiyadaha Itoobiya oo Maanta si Nabad ah loogu soo gaba--gabeeyay Magaalada Jig-jiga (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Waxaa maanta magaalada Jig-jiga ee Is-maamulka Soomaalida Itoobiya lagu soo gaba-gabeeyay xuskii sideedaad ee maalinta qowmiyadaha dalka Itoobiya oo ku beegnayd 29-ka  bisha Hiidhaar ee sannadka 2006-da taariikhda Itoobiya, taasoo ahayd mid si heer qaran ah loosoo agaasimay, ayna kasoo qaybgaleen wufuud heer caalami ah.

Munaasabadda waxaa kasoo qayb-galay madaxda ugu sarreysa Itoobiya oo ay ku jiraan kuwa ismaamulka Soomaalida, iyadoo sidoo kale waxaa ka mid ahaa madaxdii munaasabadda ka qaybgalay madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, guddoomiyaha baarlamaanka Kenya, Justin Muturi, afhayeenka barlamaanka Rwanda iyo wafdi ballaaran oo ka socda dowladda federaalka Soomaaliya.

Qowmiyadaha Itoobiya oo gaaraya 90-qowmiyadood oo ku kala hadla afaf kala duwan ayaa soo bandhigay hiddaha iyo dhaqankooda, iyadoo qowmiyad walba ay calankeeda wadato, waxaana la arki karayay kala duwanaanshaha u dhaxeeya sagaalka maamul deegaaneed ee halkaa ciyaaraha kala duwan kusoo bandhigay.

Furitaanka munaasabadda waxaa hadal kooban ka jeediyay madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, isagoo hambalyo ku aaddan xuska u diray dhamaan qowmiyadaha ku wada nool Itoobiya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Waan u mahad-celinaya dhammaan marti sharafta leh ee munaasabadda kasoo qayb-gashay, anigoo hambalyo gaar ah u diraya qowmiyadaha kala duwan ee dalka Itoobiya oo xuskooda aan halkan u wada joogno maanta," ayuu yiri madaxweynaha oo ku hadlayay afka axmaariga oo ah luuqadda koowaad ee dalka itoobiya looga hadlo.

Intaa kaddib waxaa goobta khudbad ka jeediyay ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, isagoo hambalyo u diray qowmiyadaha Itoobiya ku nool, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Itoobiya, Males Zanawi oo uu ku sheegay ruuxii ka dambeeyay in Itoobiya ay ku tallaabsato hormar caynkan oo kale ah.

Kooxda hiddaha iyo dhaqanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa goobta kusoo bandhigay dhiisha caanaha oo ahayd mid aad u weyn, isla markaana lahayd sagaal ilood oo loogu tala galay in caanaha laga wada cabbo, iyadoo ujeedka laga lahaa ay ahayd in dhammaan qowmiyadaha dalkan ay helaan fursado isku wada mid ah, gaar ahaan dhinaca qayb-sashada kheyraadka dalka.

Madaxweynaha Jubuuti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa madasha ka jeediyay khudbad aad loo jeclaystay, wuxuuna ahaa qofka kaliya ee kasoo qayb-galayaasha kula hadlay afka Soomaaliga.

“Waxaan hambalyo idiin kaga sidaa shacabka Jabuuti anigoo sidoo kale u hambalyaynaya walaalaha Soomaaliyeed ee Jigjiga sida quruxda badan ee ay u agaasimeen munaasabadda qowmiyadaha Itoobiya," ayuu yiri Ismaaciil Cumar oo khudbadiisa ay ahayd mid Soomaalida aad u soo jiidatay.

Dhinaca Soomaaliya waxaa xafladda uga qayb-galayay wafdi aad u ballaaran oo uu hoggaaminayay wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta, Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi, waxaana wafdiga ay aad ula dhaceen dhaqamadii kala duwanaa ee qowmiyadaha dalka Itoobiya ay maanta soo bandhigeen.

Sidoo kale, waxaa iyana xafladda joogay madax ka kala socotay maamullada Soomaaliya ka jira oo ay ka mid ahaayeen; Somaliland, Puntland iyo Jubba, waxaana kala matalayay Axmed Siilaanyo ,Cabdirixmaan Faroole iyo Axmed Madoobe.

Ugu dambayn, madaxda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa dadaal aad u badan ku bixiyay in markii ugu horreysay taariikhda Itoobiya xuskan lagu qabto magaalada Jig-jiga, kaasoo maanta si nabadgalyoah lagu soo gaba-gabeeyay, iyadoo dhammaan wafuuddii kasoo qayb-gashay ay hambayo u direen shacabka Itoobiya qaybihiisa kala duwan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]













Click here
12/8/2013 2:34 PM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Iyadoo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo billaabay wadatashiyo ku saabsan ra’iisul wasaaraha cusub ee soo magacaabayo ayaa waxay xidhibaanno iyo xubno bulshada rayidka ah ka tirsan oo la kulmay ay sheegeen inay siiyeen talooyin ku aaddan sifooyinka laga doonayo inuu yeesho ra’iisul wasaaraha cusub ee uu soo magacaabayo.

12/8/2013 1:54 PM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) —Wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho dib ugu soo laabtay, kaddib shirar caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlay oo uu uga soo qaybgalay dalalka Biljamka iyo Faransiiska.

12/8/2013 12:42 PM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Allaha u naxariistee waxaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug maanta ku geeriyooday wariye Cali Maxamed Cali (Suldaan) oo ka mid ahaa wariyaasha waqtiga dheer kusooo jiray warbaahinta Soomaalida.

12/8/2013 11:39 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Kulan qado ahaa oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen imaamka, ugaaska, duubab-dhaqameedyo, nabad-doonno, siyaasiyiinta iyo haweenka beesha Mudullood ayaa laga soo saaray war-murtiyeed, kaddib kulan ay muddo labaatan maalmood ah beesha uga socday Muqdisho.

12/8/2013 11:15 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Dadweynaha magaalada Hargeysa ayaa maanta ay ku dhacday Jaad la’aan ka dib markii dawladda Itoobiya xiray Xadkii u dhexeeyey Somaliland iyo Itoobiya munaasibadda maalinta qoomiyadaha Itoobiya Awgeed.

12/8/2013 11:11 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Cali Cabdi Awaare oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynenimo ee Puntland.

12/8/2013 10:16 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaannada baarlamaanka maanta ku boorriyay inay gudo-galaan sameynta nidaamka axsaabta siyaasadeed ee dalka, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay tiirarka lagama maarmaanka u dalka.

12/8/2013 10:15 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Iyadoo dhawr maalmood oo qura laga joogo xilligii uu Madaxweynaha Puntland soo magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Ansixinta Xildhibaanada Baarlamaanka -guddigaas oo inta badan musharraxiinta u tartamaya madaxtinimada Puntland ay qaadaceen- ayaa waxaa maanta guddi kale oo kaas lamid ah ku dhawaaqay qaar kamid ah musharraxiinta, gaar ahaan kuwa magaalada Boosaaso ku sugan.

12/8/2013 9:51 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Mid ka mid ah askarta ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howglalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa u geeriyooday qarax ka dhashay soo saarista ama burburinta walxaha qarxa oo ay ka mid tahay miinada dhulka lagu aaso.

12/8/2013 6:49 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Duqa magaalada Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa ka warbixiyey bishan December ee sanadkan waxyaalaha u qorshaysan inay qabtaan ee ka ay ka mid yihiin qurxinta iyo hagaajinta Bilicda magaaladda Hargeysa.

12/8/2013 6:33 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah ilaalada taliyaha nabad-sugidda degmada Buur-haka ee gobolka Bay, Col. Cali Garruun, sidoo kale waxaa xalay magaalada ka dhacay iska-horimaad xooggan.

12/8/2013 6:03 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Mashruuc lugu horumarinayo deegmooyin ka tirsan Puntland ayaa la sheegay in sannadka soo socda ay ku bixi doonto lacag dhan 12-Milyan oo doollar.

12/8/2013 5:54 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Waxaa hoolka shirarka ee Jaamacadda University of Minnesota ee magaaladda Minneapolis ka dhacday xalay xaflad casho sharaf aheyd oo ay soo qaban qaabiyeen Meertada Aqooneed ee Keydinta Suugaanta iyo Naadiga Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Somali Speaking Pen, taas oo lagu nooleynayay Suugaanta iyo Afka, isla markaana lagu sharfayay Macaallin Siciid Saalax.

12/8/2013 5:41 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka dowladda Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed iyo xubno odayaal ah ayaa kawada hadlay maanta sidii lagu sii dayn lahaa Sh. Xasan Daahir Aweys oo muddo shan bilood ah u xiran dowalda Soomaaliya.

12/8/2013 1:17 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Xaflad casho sharaf ah oo ay ka qayb-galeen in ka badan 5,000 oo qof oo ka mid ah wufuudda ka qayb-galaya xuska maalinta qowmiyadaha Itoobiya ee maanta ka furmaya magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa xalay lagu qabtay magaaladaas.

12/8/2013 1:10 AM EST
Axad, December 08, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay gaadhay magaaladda Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya oo ay ka socoto dabaaldega maalinta qoomiyadaha Itoobiya.