4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
War-murtiyeed laga soo saartay shir dib u heshiisiin ahaa oo beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed uga socday Muqdisho (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Kulan qado ahaa oo maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen imaamka, ugaaska, duubab-dhaqameedyo, nabad-doonno, siyaasiyiinta iyo haweenka beesha Mudullood ayaa laga soo saaray war-murtiyeed, kaddib kulan ay muddo labaatan maalmood ah beesha uga socday Muqdisho.

Kulankan ayaa lagu muujiyay midnimada iyo isku-duubnida beesha, iyadoo ka heshiiyay khilaafyo xaga dhaqanka ah oo u dhaxeeyay, waxaana kulanka khudbado iyo duco ka jeediyay imaamka guud ee Beesha, Ugaaska iyo sidoo kale duubabka dhaqanka.

Imaam Maxamed Yuusuf Cali oo muddooyinkan dalka dibaddiisa safar ugu maqnaa ayaa sheegay in beesha ay kala maqnaayeen, balse kulankoodan uu dhaliyay is-faham.

"Baryo ayaa la kala maqnaa, isku imaatinkan wuxuu muujinayaa midnimada beesha mudullood, wixii jiray ee khilaafaad yar-yar ahaana heshiisyo ayaa laga gaaray," ayuu yiri Imaam Maxamed Yuusuf.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle ayaa hadal uu kulanka ka jeediyay ku sheegay in kulanka dib u heshiisiinta beesha uu soo socday tan iyo 20-kii November illaa 8-da Bisha, kaasoo lagu xaliyay buu yiri khilaafaadyo xagga dhaqanka ahaa oo ay beesha kala tabanaysay.

Sidoo kale, ugaaska ayaa kulanka ka akhriyay war-murtiyeed dhowr qodob ka koobnaa oo laga soo saaray shirarkii u socday xubnaha beesha, isagoo xusay in shirarka ay u socdeen illaa 170 ergo oo ka kala socday beelaha oo dhan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

"Waxaa maanta lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Muqdishu kulan dib-u-heshiisiin ahaa oo muddo u socday beesha. Shirkan gabagabada ah waxaa kasoo qaybgalay ergooyin ka kooban 170 oo ka socday beelaha oo dhan, kana koobnaa oday-dhaqameedyo, culummo, haween iyo aqoonyahanno, waxaa kasoo baxay qodobbo badan," ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Ugaaska oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya ay beeshu si guud uga tashanayso sidii deegaannada ay degto looga hir-gelin lahaa maamul goboleed, waxaana uu tilmaamay in guddi farsamo loo saari doono arrintaas.

Waxaa iyagana kulanka ka hadlay duubabka dhaqanka beelaha, kuwaasoo soo dhaweeyay dib u heshiisiinta iyo isku duubnida beesha, waxaana ay ku baaqeen in la ilaaliyo midnimada beesha.

Xubnihii ka hadlay kulanka oo isugu jiray ugaasyo, waxgaradka iyo haween ayaa waxay si kal iyo laab u soo dhaweeyeen war-murtiyeedka shirka laga soo saaray.

Ugu dambeyn, war-murtiyeedka shirka laga soo saaray oo ka koobnaa illaa siddeed qodob, ayaa wuxuu u qornaa sidan:

1. Muddadii shirku socday waxaa lagu heshiisiyay colaado beesha u dhexeeyay.

2. Beesha mudullood waxay ugu baaqeysaa beelaha kale oo ay dariska yihiin in lagu wada noolaado si nabad, is-faham, walaanimo iyo derisnimo ay ku jirto.

3. Beeshu waxay diyaar u tahay in khilaaf kasta ay ku dhameyso wadahadal iyo nabad.

4. Beeshu waxay diyaar u tahay inay gogol nabadeed u fidiso beelaha wax kala tabanaya.

5. Waxay beeshu sidaas si la mid ah diyaar u tahay haddii gogol loo dhigo inay ka qayb-qaadato.

6. Beeshu waxay soo xulaneysaa guddi u xilsaaran xallinta khilaafaadyada soo dhex-gala beesha iyo in nabad iyo dib-u-heshiinsiin lala gaarto beelaha kale oo ay colaaddu horay u dhex-martay.

7. Beesha mudullood waxay beelaha kale ee Soomaliyeed ugu baaqeysaa inay mowqifkan mid la mid ah qaataan.

8. Beeshu waxay ugu baaqaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in laga qayb-qaato adkeynta nabadda, isla markaana la isku soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee colaaduhu kala qaybiyeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya