4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Musharrax Cali Cabdi Awaare oo si Weyn loogu soo Dhaweeyay Magaalada Boosaaso ee Xarunta ee Gobolka Bari (SAWIRRO)

Axad, December 08, 2013 (HOL) — Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, waxaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey Cali Cabdi Awaare oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynenimo ee Puntland.

Dadweyne boqollaal gaaraya oo isugu jira siyaasiyiin, aqoonyahan, isimmo, haween iyo dhalinyaro, ayaa mushrrax Awaare kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Musharraxa oo dadkii soo dhoweeyey kula hadlay garoonka kubadda cagta - oo gurigiisa u dhow- ayaa ugu horreyn uga mahadceliyey sida fiican ee ay usoo dhoweeyeen iyo weliba dareenka farxadda leh ee ay u muujiyeen.

Mar uu ka hadlayey rajada uu ka qabo in loo doorto madaxweynaha Puntland, wuxuu sheegay in uu rajo fiican qabo, maadaama uu isagu yahay –sida uu sheegay- musharraxa keliya ee dalka muddo dheer ku sugnaa, xog ogaalna uu u yahay xaaladda guud ee Puntland iyo weliba dhammaan deegaanada ay ka kooban tahay.

“Inshaa Allaah waan guuleysan doonnaa doorashada bisha January…xaq baynu u leenahay inaynu guuleysanno,  inta dalka joogta oo dadkooda dhibka iyo dheefta la qaybsatay ayaa xaq u leh…” Awaare oo la hadlayey boqollaal taageerayaashiisa kamid ah ayaa sidaas yiri.

Sida ay uga go’an tahay inuu Puntland wax ugu qabto isagoo sharraxaya, waxaa Musharrax Awaare ereyadiisii kamid ahaa “Anigu muwaadin Puntland kasoo shaqeeyey oo jecel horumarkeeda baan ahay, haddii aan wax waayo iyo haddii kale marna kama tegi doono…doorashadii hore inti ila tartantay C/raxmaan Faroole ayaa ka jooga, waan hubaa isna haddii uu wax waayo inuu Australia aadi lahaa…”

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Ugu dambayntii wuxuu tacsi u diray dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartey roobabkii duufaanta watey ee ka da'ay qaar kmid ah gobollada Puntland, dagaalladii gobolka Sool iyo qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shantii bishan Boosaaso ka dhacay.

Sidoo kale wuxuu ka tacsiyeeyey geerida Beeldaaje Axmed Beeldaaje
Maxamed oo kamid ahaa isimmada sida weyn looga tix geliyo Puntland iyo weliba Xildhibaan Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) oo labadooduba Jimcihii lasoo dhaafay ku kala geeriyoodey magaalooyinka Muqdisho iyo Qardho.

Cali Cabdi Awaare oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Puntland, kana qayb galay doorashadii dhacday sanadkii 2009 ee lagu soo doortay Madaxweyne C/raxmaan Maxamed Faroole , waa musharraxii siddeedaad ee magaalada Boosaaso soo gaara.

Gobolka Bari oo ah gobolka ugu weyn Puntland uguna dadka badan, islamarkaana uu ka jiro ganacsiga ugu ballaaran Puntland, waxaa baarlamaanka kasoo gala 21 xildhibaan. Musharraxiinta ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada ee dhici doonta 8-da bisha January ee sanadka soo socda ee 2014, ayaa loollan xooggan ugu jira sidii ay u kasban lahaayeen kalsoonida iyo taageerada xildhibaannada gobolka.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya