4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo Xildhibaannada Weydiistay in ay dajiyaan Nidaamka Axsaabta Siyaasadeed


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari xildhibaannada baarlamaanka maanta ku boorriyay inay gudo-galaan sameynta nidaamka lagu furan karo axsaab siyaasadeed, taasoo uu xusay inay qayb ka tahay tiirarka lagama maarmaanka u dalka.

Jawaari oo khudbad ka jeedinayay kulan ay xildhibaannada baarlamaanku ku yeesheen maanta xarunta baarlamaanka ee Muqdisho ayuu ku sheegay in xisbiyada siyaasadeed ay qayb ka yihiin qorshayaasha la doonayo in lagu gaarsiiyo dalka doorasho xor ah oo dhacda marka la gaaro 2016-ka.

“Waxaan idiin soo gudbinayaa lix qodob oo lagama maarmaan u ah hirgelinta nidaamka axsaabta siyaasadeed ee dalka, kuwaasoo kala ah: 1. Doorka axsaabta siyaasadeed. 2. Ka mid noqoshada asxaabta inay noqdaan kuwo loo dhan yahay. 3. hay’ado dimuqraaddi ah. 4. Jiheynta siyaasadda. 5. Ilaha dhaqaalaha axsaabta siyaasadeed. 6. Hannaanka iyo geeddi socodka diyaarinta sharciga axsaabta siyaasadeed ee dalka,” ayuu Jawaari kulanka ka yiri.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu ku tirtirsiiyay xildhibaannada inay dhexda u xirtaan sidii ay uga miro-dhalin lahaayeen qoshahan oo uu sheegay inuu saldhig u noqon karo in dalka uu noqdo mid furfuran oo dimuqraaddi ah.

Intaa kaddib xildhibaannada Baarlmaanka Somalia ayaa waxay kulankooda kaga dhageysteen wasiir-u-dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Somalia, Mahdi Maxamuud Cali hindise sharciyeedka qaxootiga iyo barakacayaasha.

Wasiir u dowlaha ayaa akhrinta kaddib wuxuu xidhibaanada baarlamaanka ka dalbaday inay ansixiyaan hindise sharciyeedkan hay’adda qaxootiga iyo barakacayaasha Qaranka, isagoo xusay inay tahay mid baahi weyn loo qabo xilligan.

Guddoomiyaha hay’adda qaxootiga iyo barakacaasha Qaranka, Axmed Daahir C/kariin Nuur oo goob-joog ka ahaa kulankii xildhibaannadu ay ku yeesheen maanta xaruntooda wuxuu dhankiisa xildhibaannada uu faah-faahin ka siiyay waxyaabaha ay hay’addu qaban doonto, isagoo xusay inay ugu horreyso ka shaqeyn doonto ilaalinta xuquuqda barakacayaasha dalka gudihiisa ku sugan iyo qoxootiga Soomaaliyeed ee dibadaha dalka jooga.

Kulankii maanta ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa saacado dib u dhac ah ay ku yimaadeen, taasoo sabab u ahayd kooramkii uu ku furmi lahaa oo aan buuxsamin, iyadoo xildhibaannadii kulanka maanta goobjoogga ka ahaa ay tiradoodu ahayd 139-xidhibaan oo keliya kuwaasoo badankooda xarunta soo gaaray xilli dambe.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa kulankoodii ugu dambeeyay oo ahaa mid kalsoonida loogala laabtay xukuumadda Somalia ee ra’iisul wasaare Saacid uu hoggaamiyo waxaa goobjoog ku ahaa xarunta 250-xildhibaan kuwaasoo aan maanta intooda badan joogin xarunta golaha shacabka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya