4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 8 , 2013
Warbixin ku saabsan kulan lagu soo Nooleynayay Suugaanta Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay Gobolka Minnesota (SAWIRRO)


Axad, December 08, 2013 (HOL) — Waxaa hoolka shirarka ee Jaamacadda University of Minnesota ee magaaladda Minneapolis ka dhacday xalay xaflad casho sharaf  aheyd oo ay soo qaban qaabiyeen Meertada Aqooneed ee Keydinta Suugaanta iyo Naadiga Hal-abuurka Soomaaliyeed ee Somali Speaking Pen, taas oo lagu nooleynayay Suugaanta iyo Afka, isla markaana lagu sharfayay Macaallin Siciid Saalax.

Macallin Siciid Saalax  oo ah bare ka tirsan Jaamacadda University of Minnesota ayaa 50-kii sano ee la soo dhaafay wuxuu ahaa hal abuure suugaaneed, qoraa iyo bare luuqadda Soomaaliga ah.

“Noloshu waa socdaal,  laga soo billaabo inta qofku uu ku jiro uurka hooyadiis ilaa inta uu dhaminayo, waqtiga intaas u dhexeeyana hadba meel ayaad joogtaa, sidaa daraadeed ayaan aniguna qeyb uga ahay sil-siladaas socdaalka” ayuu yiri Macallin Saalax

“Macallinku wuxuu fahmi karaa wax badan oo ardayga ku saabsan, waayo marxalad kasta waxay leedahay  dhaqan gooni ah, badbaadinta Hiddaha, dhaqanka, afka iyo suugaantuna waa masuuliyad na wada saran” ayuu sii daba dhigay Siciid Saalax.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Zuhur Xasan Axmed oo ka mid aheyd dadkii soo qaban-qaabiyay Munaasabadan ayaa sheegtay inay mar kasta muhiim tahay in la sharfo dadka taariikhda iyo wax galka ah ee Soomaaliyeed.

“Maadaama aan 5-tii sano ee la soo dhaafay aan soo qaban-qaabineynay xuska suugaanta iyo maansooyinka waxaan sanadkan go’aan ku gaarnay inaan ku sharafno macallin Siciid Saalax Axmed, waayo waa muwaadin baal dahab ah uga jira fanka, suugaanta iyo bahda waxbarashada gaar ahaan nooleynta iyo ilaalinta afka Soomaaliga” ayay tiri Zuhuur.

Xafladdan oo lagu soo bandhigay heesihii, suugaantii iyo riwaadihii uu sameeyay Macallin Siciid waxay sidoo kale soo jiidatay dadkii Ajinabiga ahaa ee soo qeybgalay casha sharafta, maadaama la turjumayay inta badan gabayada iyo heesaha, waxaana ka mid ahaa, suugaantiisa; socdaal iyo geedisocod, Sabigii aan weli dhalan, Umuliso, aqoon,  biyo iyo goobiyo shangees

Waxaa kale oo munaasabadan ka hadlay Cabdi Suleybaan, Axmed Cismaaciil Yuusuf, Deeqo Ismaaciil Cali Boss iyo C/raxmaan Ciise Kaahin.

Ugu dambeyntii Macallin Siciid Saalax ayaa la gudoonsiiyay abaal marin uu ku muteysay halgankiisii dheeraa ee dhinacayada badnaa oo faa;iida u lahaa dadka Soomaaliyeed.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota