4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Booliiska Rabshadaha ka Hortagga ee Waddanka Kenya oo Labaatan qof oo Muslimiin ah ku xirxiray Magaalada Mombasa

Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Booliiska rabshadaha ka hor-tagga ee dalka Kenya ayaa shalay oo Jimco ahayd 20-qof oo muslimiin ah ku xiray magaalo xeebeedda dalkaas ee Mombasa, kaddib markii ay hareereeyeen masjidka Sakina oo ku yaalla xaafadda Majengo. Waxaana ku jiray afar qof oo maxkamad ay amartay in lasoo xiro sida uu sheegay taliyaha booliiska ee Makupa.

Amarka lagu soo xirayo afarta qof ee ka midka ah labaatan qof ayaa waxaa bixiyay gasooraha maamadda Irene Ruguru, isagoo sheegay in baaris lagu sameyn doono afartaas qof oo Kenyan ah.

Magacyada afarta qof ayaa lagu kala sheegay; Swabir Twalib, Abdalla Sala Swaleh, Maxamed Cabdalla iyo Jamaal Swaleh Khamis, kuwaasoo la sheegay inay abaabuuleen rabshado dhowr jeer ka dhacay magaalada Mombasa.

Sidoo kale, afartan qof ayaa lagu eedeeyay in la arkay iyadoo hub gelinaya masaajidka Sakina, balse waxaa arrintaas beeniyay imaamka masaajidkaas, Sheekh Khaliifa Maxamed, isagoo ku tilmaamay arrin aanay waxba ka jirin.

Booliiska ayaa masaajidkan ku tilmaamay mid lagu tababarro dhallinyarada jihaad-doonka ah, waxaana sarkaal u hadlay booliiska uu u sheegay qaar ka mid ah warbaahinta Kenya inay jiraan 200 oo dhallinyaro ah oo hubeysan oo ku xiran masaajidkaas, kuwaasoo uu sheegay in lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilkii Sheekh Cabuud Roobo.

“Ciidamada booliisku rasaas ayay sare u rideen si dadku ay u kala soocmaan dabadeedna waxaa la xiray dadkii la tuhmayay, mana jiro qof kale oo la soo xiray,” ayuu yiri taliyaha booliiska Kisauni, Julius Wanjohi oo warbaahinta la hadlay.

Hadal kasoo baxay booliiska ayaa lagu sheegay in dhallinyarada tababarro lagu siiyo masaajidkaas, iyagoo xusay inay jiraan afar lix wadaad oo arrinta wax ka wada, kuwaasoo aan magacyadooda la shaacin.

Taliyaha booliiska Mombasa, Tom Okoth ayaa laga soo xigtay in wadaadadu ay khatar ku yihiin ammaanka, ayna dhallinyarada baraan jihaadka iyo sidii rabshado looga abuuri lahaa magaalada, sidoo kale Okoth wuxuu sheegay in looga baahan yahay hoggaamiyeyaasha muslimiinta ah inay arrintan fiiro u lahaadaan.

“Ma jirto wax war ah oo aan anigu soo saaray, haya’daha ammaanku waa in ay wataan howlahooda,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Khaliifa oo ka mid ah culummada lagu eedeeyay inay dhibaatooyin amni-darro ka wadaan gudaha magaalada Mombasa.  Guddoomiyaha golaha muslimiinta Kenya, Mudhar Khitamy ayaa dibadda ku maqan mana jirto wax uu arrintan ka yiri.

“Qorshaheennu waa inaan ka hortagno kuwa nabadgalyo xumada ku wada magaalada Mombasa, mana doonayno inaan iska horkeenno muslimiinta iyo xukuumadda Kenya,” ayuu mar kale yiri taliyaha booliiska Mombasa Okoth.

Guddoomiyaha Mombasa, Xasan Cumar ayaa isaguna sheegay in wadaadada Muslimiinta looga baahan yahay inay la socdaan waxbarashada dhallinta oo aanay dhicin in la baro falal ay ammaanka ku qarbudayaan.

Dhanka kale, ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya ayaa u arka dugsiyada diinta lagu barto inay yihiin kuwo dhallinyarada lagu baro jihaadka iyo xagjirnimada.

Mombasa oo ah magaalada labaad ee Kenya ugu weyn ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay isku dhacyo dhexmaray booliiska iyo dhallinyaro careysan, kuwaasoo sheegay in dhibaato ay ku hayaan ciidamada booliiska, inkastoo rabshadahaas lagu guuleystay in la damiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya