4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Madax-dhaqameedyo, Waxgarad iyo Haween ku baaqay in si Nabad ah lagu Xalliyo Colaaddii ka dhacday Degmada Taleex


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Garaad Saleebaan Garaad Max'ed Garaad Maxamuud oo ay weheliyaan odayaal iyo waxgaradka deegaanka Sarmaanyo oo degmada Taleex kaga beegan dhinaca waqooyi 80-km ayaa ku baaqay in nabad iyo wadahadal lagu dhameeyo khilaafkii sababay dagaalladii ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool.

Garaadka ayaa kulan baroodiiq ah oo lagu qabtay deegaankaas ayaa ka sheegay in arrintaan oo ahayd mid af kala-qaad ku noqotay ayna awoodi waayeen inay hadal iyo dhaqaaq midna sameeyaan, wuxuuna ugu baaqay dhinacyadii dagaalamay in nabadgalyada la ilaaliyo.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah waxgaradka deegaankaas oo dhamaantood tilmaamay sida ay uga xun yihiin dagaalkii degmada Taleex ka dhacay 27-kii bishii hore, waxayna ugu baaqeen waxgaradka Puntland inay il-gaar ah ku eegaan sidii wax looga qaban lahaana dhacdadaas.

Sidoo kale, dadkii kulankaas ka hadlay ayaa waxay tacsi u direen ehelada dadkii ku dhintay dagaalladii degmadaas ka dhacay, iyagoo sheegay in dhibaatada ugu weyn ay geysteen ciidamada Puntland ka yimid.

Baaqyada tacsiyeed ee loo dirayo dadka Taleex iyo kuwii ay waxyeelladu soo gaartay ayaa noqoday kuwo aad u far badan, iyadoo aysan muuqan qorshe wax looga qabanayo ama lagu xiisadda lagu daminayo, waxaana qoysaskii ka barkacay degmadaas ay ku nool yihiin xaalad adag iyagoo doonaya in lala soo gaaro gargaar.

Magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ayaa waxaa dhammaadkii bishii hore ku dagaalamay ciidammo kasoo jeeda Puntland oo la socday Jen. C/samad Cali Shire oo ah madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo ciidammo taabacsan madaxweyne ku xigeenka Khaatumo Indha-sheel.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool