4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Maxkamadeynta wariye Maxamed Bashiir, Milkiilaha idaacadda Shabelle iyo Gabar sheegtay in la kufsaday oo dib loo dhigay

Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Iyadoo lagu waday in maxkadda gobolka Banaadir ay maanta dhageysato dacwad loo haysto milkiilaha Radio Shabelle, C/maalik Yuusuf, wariye Maxamed Bashiir iyo gabar wariye ah oo sheegtay in la kufsaday ayaa dib loo dhigay.

Dib u dhaca maxkamadeynta suxufiyiintan iyo milkiilaha Shabelle ayaan weli la shaacin sababta dib loo dhigay, iyadoo garsoorayaasha maxkamaddu ay sheegeen in dhageysiga dacwaddan ay dhacayso maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Wariye Maxamed Bashiir ayaa loo haystaa dacwadda in uu wareysi uu ka qaaday gabar wariye ah oo sheegtay inay kufsadeen wariyeyaal ka tirsan Radio Muqdisho, iyadoo gabadhana loo haysto shaacinta warkaas, sidoo kale milkiilaha Shabelle ayaa la sheegay in isagana loo haysto in wariyaha uu ku siiyay gacan wareysigan.

Suxufiyiintan ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho iyadoo aan weli wax xukun ah lagu ridin, waxaana lagu wadaa in maalinta Isniinta ah ay iyaguna soo xaadiraan maxkamadda wariyeyaasha ay gabadhu sheegtay inay kufsiga u geysteen.

Gabadhan ayaa wareysi laga qaaday oo lasoo dhigay You-tube-ka waxay ku sheegtay in labada wariye ay si khasab ah ku fusadeen ayna sumcadeedii gabarnimo meel uga dhaceen.

Maxkamadda ayaa horay u dhageysatay dacwadda loo haysto wariyaha iyo gabadha sheegtay in la kufsaday, inkastoo maxkamaddu ay ku wayday inay hayaan wax caddeymo ah oo muujinaya  warbixinta ay baahiyeen.

Lama oga go’aanka ay maxkamaddu ka qaadan doonto labada wariye ee kala ah gabadha in la kufsaday sheegtay iyo wariyaha wareystay iyo sidoo kale milkiilaha idaacadda Shabeelle.

Wariyeyaal ka tirsan idaacadda Shabelle ayaa sheegay inaysan garanayn sababta keentay in dib loo dhigo dacwadda, balse lagu wargeliyay markii ay maxkamadda tageen in dib loo dhigay, iyagoo sheegay in maxkamadda ay ku sugnaayeen xubno u badan ururrada bulshada rayidka ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya