4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Shirar kala duwan oo Baydhabo ka dhacay kaddib markii ay Maanta gaareen Xildhibaan Shariif Xasan iyo Wafdi Xildhibaanno ah

Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Shirar kala duwan ayaa maanta Baydhabo ka dhacay maanta kaddib markii uu magaaladaas gaaray guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Somalia, Shariif Xasan Sh. Aadan oo ka mid ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka hadda jira iyo wafdi u badan xildhibaanno oo uu hoggaaminayay.

Maalmahan magaalada Baydhabo waxaa ka socday abaabullo kala duwan oo lagu soo dhaweynayo Shariif Xasan, iyadoo ay jirtay kala afkaar duwanaan u dhexeysa ergada uu shirku uga socdo magaalada Baydhabo iyo xildhibaan Shariif Xasan.

Sheekh Aadan Madoobe oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Somalia oo maanta ka hadlay shirka maamul u sameynta lixda gobol ee Baydhabo ka socda ayaa sheegay inaan la taageerin fikradda uu wato Shariif Xasan ee ah in la dhiso maamul goboleed ka kooban saddex gobol.

Ugaaska guud ee beelaha Digil iyo Mirifle ahna guddoomiyaha shir maamul u sameynta lixda gobol ee Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, Xasan Shuri Maxamuud oo maanta ka hadlay shirka Baydhabo ka socda ayaa ka digay shirka la doonayo in laga furo Baydhabo.

“Ciddii isku-dayda ama carqaladeysa shirka socda ama wadata afkaarta maamulka loogu sameynayo saddexda gobol waa in lala dagaalamaa oo la iska celiyaa; waayo waxaa jira rag lacago wata oo doonaya inay carqaladeeyaan maamul u sameynta lixda gobol ee Koonfur-Galbeed Soomaaliya,” ayuu yiri Ugaas Xasan Shuri.

Xildhibaan Shariif Xasan iyo xildhibaannada la socda ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Baydhabo iyagoo saldhig ka dhigtay hoteel Bakiin, wuxuuna ka jeediyay khudbad lagu furayay shirka kasoo horjeeda shirka Baydhabo ka socda ee lagu dhisayo maamulka saddexda gobol.

“Waxaan doonaynaa maamul loo sameeyo saddex gobol oo keliya taasoo ah mid waafaqsan sharciga maamul u sameynta gobollada ee dowladda Somalia,” ayuu yiri Shariif Xasan Sh. Aadan oo intaas ku daray waxay dowladdu ka tahay raalli caalamkuna uu taageerayaa in maamul goboleed la sameeyo.

Amniga goobaha ay shirarku ka socdaan ee Hotel Bakiin iyo xarunta ADC-da Baydhabo ayaa waxaa la wareegay ciidamada AMISOM, iyadoo magaalada ay ka jirto dadaallo lagu taageerayo shirka maamul u sameynta gobollada Koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Hiiraan Online, Baydhabo