4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Qaar ka mid ah bukaannadii ku dhaawacmay Qaraxii degmada Boosaaso oo xaaladdooda Caafimaad laga Dayrinayo (SAWIRRO)

Sabti, December 07, 2013 (HOL) —
Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saddex maalmood kahor ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Isbitaalka guud ee degmada, waxaa weli lagu dabiibayaa dhowr qof oo ay xaaladoodu halis tahay, kuwaasoo ay ku jiraan dumar iyo carruur aad u da'yar.

Dadka dhaawaca ah o ay waxyeello kasoo gaartey firirkii uu qaraxu sameeyey, waxay qabaan dhaawacyo u badan jajab, gaar ahaan: feeraha, gacmaha iyo lugaha.

Axmed, waa wiil yar oo baalashle (kabo caseeye) ah, kana soo jeeda qoys barakacayaal ah, wuxuuna kamid ahaa dadkii qaraxii subaxnimadii Khamiista Boosaaso ka dhacay sida xun ugu dhaawacmay.

Wiilkan yar ayaa firirka qaraxu wuxuu ka galay meelo badan oo jirkiisa kamid ah, gaar ahaan: madaxa, lugaha, caloosha iyo feeraha, isaga ayaana ah qofka ugu liita kuwa dhaawaca ah ee weli isbitaalka jiifa.


Maxamed Cali Kobra, waa madaxa shaqaalaha ee isbitaalka magaalada Boosaaso, wuxuuna sheegay in dhaawacyada isbitaalka lasoo gaarsiiyey oo ay tiradoodu 37 ahayd, ay ku jireen qaar ay lugaha iyo gacmuhu ka go'een.

Kobra ayaa dhinaca kale sheegay in guud ahaan tirada dhimashadu ay 9 qof tahay, isagoo xusay in maamulka iyo hawlwadeenada caafimaadka ee ka shaqeeya isbitaalka guud ee magaalada Boosaaso ay dadaal badan ku bixiyeen, sidii ay dadka dhaawaca ah u siin lahaayeen daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee saddex maalmood kahor ka dhacay magaalada Boosaaso, waxaa lala beegsaday ciidammo ka tirsan kuwa badda ee Puntland xilli ay marayeen bartamaha suuqa magaalada Boosaaso, dadka qaraxaas ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay, waxay u badnaayeen dad shacab ah oo xilligaas goobta uu qaraxu ka dhacay ka ag dhowaa.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya