4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Wafdi uu Hoggaaminayo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Magaalada Baydhabo Gaaray


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xildhiaban Shariif Xasan ayaa wafdi uu hoggaaminayo waxay isugu jireen wasiirro ka tirsan xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay iyo xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan, iyadoo garoonka diyaaradaha ay si weyn ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan maamulka gobolka, dadweyne iyo mas’uuliyiin kale.

“Socdaalka aan ku imid Baydhabo waa mid la xiriira howlaha shirka lagu dhisayo maamul goboleedka ee Baydhabo ka socda,” ayuu xildhibaanku ku sheegay hadal kooban oo uu warbaahinta siiyay markii uu Baydhabo tagay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Shariif Xasan iyo wafdigiisa lagu wado inay kulammo wadatashiyo ah la yeeshaan qaybaha bulshada iyo odayaasha dhaqanka ee shirku uga socdo Baydhabo.

Wafdigan isugu wasiirrada iyo xildhibaannada ayaa la dajiyay hoteel Bakiin; waxaana ammaankooda la wareegay ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee Baydhabo ku sugan.

Inkastoo ay jireen warar horay u soo baxay oo sheegaya in Shariif Xasan uu doonayo inuu Baydhabo ka furo shir kasoo horjeedda midka hadda halkaas ka socda ayaa haddana la ogeyn wixii iska bedelay arrintaas.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shir lagu doonayo in lagu dhiso maamul goboleed ay yeeshaan lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, iyadoo lagu wado in dhawaan uu furmo wajiga labaad ee shirkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya