4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Madaafiic Khasaare geystay oo xalay kusoo dhacay Xaafadda Xamar-Jadiid oo ka tirsan D/Wardhiigley ee Gobolka Banaadir

Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba ruux ayay dhaawacyo kasoo gaareen saddex madfac oo xalay ku dhacay xaafadda Xamar-jadiid ee degmada Wadhiigley, iyadoo aan la ogeyn halka ay madaafiicdaas ka yimaadeen.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda ay madaafiicdu kusoo dhacday sheegay in saddex madfac oo laba ka mid ah aysan geysan wax khasaare ah ay kusoo dhaceen xaafaddooda ayna dhaawacmeen laba wiil oo dhallinyaro ah.

“Xalay fiidkii abbaare 10:00 ayaa waxaa xaafadda kusoo dhacay saddex madfac oo is-xigay, laba ka mid ah waxay ku dhaceen illinka hore guryo la daggan yahay mana jiraan wax khasaare ah oo ay geysteen, balse mid ka mid ah ayaa ku dhacay guri aan daris nahay, wuxuuna ku dhaawacay laba wiil oo dhallinyaro ah,” ayuu yiri Cumar Salaad oo ka mid ah dadka ku nool xaafaddii ay madaafiicdu kusoo dhaceen.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in dhaawacyada labada wiil uu mid ka mid ah fudud yahay, halka mid kalena uu culus yahay, isagoo xusay inay firiro ka galeen maskaxda iyo uur-ku-jirta.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in madfac kale oo afaraad uu xaafaddaas gudbay iyadoo aan la ogeyn halka uu ku dhacay, mana jirto cid sheegatay in ay ka dambeyso madaafiicdan iyo lamana oga goobta lagu weerarayay.

Hay’adaha ammaanka dowladda ayaan weli ka hadlin duqeyntan ay dadka ku dhaawacmeen ee xalay ka dhacday Muqdisho, waxaaana tani ay qayb ka noqonaysaa duqeymo dhowr ah oo degmooyinka gobolka Banaadir ku dhacay tan iyo markii ay Al-shabaab isaga baxday magaalada laba sano ka hor.

Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay madaafiic xilliyo habeen ah ku dhacay madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo qaarkood geystay khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya