4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 7 , 2013
Qeyb ka mid ah Wasiirrada Maamulka KMG ah ee Jubba oo lagu dhawaaqay AKHRISO WAREEGTADA (DAAWO SAWIRRADA)


Sabti, December 07, 2013 (HOL) — Wareegto kasoo baxday xafiiska hoggaamiyaha guud ee maamulka KMG ee Jubba, Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta lagu magacaabay siddeed wasiir iyo madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubba.

Munaasabaddii ku dhawaaqista golahan cusub ee wasiirrada oo ka dhacday madaxtooyada Kismaayo isla markaana ay goob-joog ahaayeen wasiirrada cusub ee la magacaabay iyo qaar ka mid ah odoyaasha beelaha Jubbooyinka ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay madaxweyne ku-xigeenka maamulka KMG ah ee Jubba C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo sheegay in muddo dheer kaddib maanta lagu dhawaaqay qaybtii koowaad ee golaha wasiirrada Jubba.

Afhayeenka maamulka Jubba, C/naasir Seeraar Maax ayaa warbaahinta u akhriyay digreetada lagu magacaabay golaha wasiirrada Jubba.

Haddaba hoos ka akhriso wareegtada magacaabidda Wasiirrada maamulka Jubba:

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya