4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Ololaha musharraxiinta oo si xooggan uga socda Puntland iyo Musharrax Shire Xaaji oo booqday degmada Badhan (SAWIRRO)
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xilli ay muddo koobani ka harsan tahay waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxtinimada ee Puntland, ayaa waxaa si weyn dhammaan gobollada looga dareemayaa ololaha ay wadaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynenimada.

Musharrax Shire Xaaji Faarax oo kamid ah  in ka badan labaatan musharrax oo shaaciyey in ay doorashada ka qayb geli doonaan,  ayaa booqday deegaano ka tirsan gobolka Sanaag. Degmada Badhan oo ah xarunta gobolka Sanaag, ayaa kamid ah meelaha uu musharraxu tegey, waxaana halkaas si diirran ugu soo dhoweeyey boqollaal dadweyne ah.

Musharraxa oo dadkii soo dhoweeyey goob fagaare ah kula hadlay, ayaa sheegay in gobolka ay ka jiraan baahiyo badan oo asaasi ah, gaar ahaan dhinacyada: jidadka, caafimaadka iyo waxbarashada.

" gobolka Sanaag waa layska ilaawey, dowladihii hore ee Puntland soo maray waxba uma qaban, aniga haddii la i doorto wax badan ayaan ka qaban doonaa...jidadka iyo waxbarashada ayaan muhiimadda koowaad siin doonaa..." Musharrax Shire ayaa yiri.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaam oo isna goobta ka hadlay, ayaa sheegay in Musharrax Shire uu yahay qof u qalma in uu qabto hoggaanka Puntland, maadaama uu leeyahay karti iyo khibrad hoggaamineed.

" Shire iyo wefdigiisu ma ahan in ay inooku yimaadeed ololaha doorashada oo qura...waxay ka turjumayaan bulshada Harti-Bari ee aynu walaalaha nahay... waa muhiim midnimada dadka reer Puntland" Suldaaka ayaa yiri.

Dhinaca kale Musharrax Shire Xaaji Faarax ayaa tacsi u diray dadkii eheladooda ku waayey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay magaalada Boosaaso ka dhacay, dadka dhintay Ilaah wuxuu uga baryey inuu u naxariisto kuwa dhaawacmayna uu caafimaad siiyo.

In ka badan labaatan musharrax ayaa ka qayb geli doona doorashada madaxtinimada ee Puntland oo dhici doonta 8-da bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2014.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya.