4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Kooxo hubeysan oo Muqdisho ku dilay Macallimad u dhalatay Dalka Uganda oo wax ka dhigaysay Jaamacadda Soomaaliya

Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay goor dhow macallimad u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Laylo oo  wax ka dhigaysay Jaamacadda Soomaaliya oo ka mid ah jamaacadaha ku yaalla Muqdisho.

Macallimadan ayay kooxaha hubeysan kala dageen gaari ay saarnayd kaddib markii ay kasoo baxday jaamacadda oo ay xiisado ku lahayd, waxayna ku toogteen isla goobta, iyadoo aan la garaynayn sababta loo dilay iyo cidda ka dambeysa dilkeeda.

Goobjoogayaal ku sugan agagaarka Isgoyska Baar Ubax ee degmada Howl-wadaag oo ah halka uu dilku ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha hubeysa oo watay bastoolado ay toogteen macallimada iyagoo uusan jirin wax wadahadal ah oo dhexmaray.

Maydka macallimada ayaa waxaa goobta ka qaaday gaarigii ay la socotay ee lagala dagay, iyadoo falkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo noociisa ah oo ka dhaca Muqdisho, mana jirto koox sheegatay inay ka dambeyso.

Dableyda dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay ka tirsan yihiin Al-shabaab, balse ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo xaqiijinaya inay dilkaas iyagu ka dambeeyeen.

Waddanka Uganda oo ay macallimadan u dhalatay ayaa waxay kumannaan askari kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kana taageera dowladda Soomaaliya dagaallada ay kula jirto Al-shabaab.

Dilkan ayaa imaanaya iyadoo bil ka hor ay kooxo hubeysan ku toogteen meel ku dhow dhisme ay jaamacadda Soomaaliya ku leedahay isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho haweeney u dhalatay Sweden iyo wiil Somali ah oo la sheegay inuu turbaan u ahaa, kaddib markii ay cashar ka bixiyeen jaamacadda.

Macallimadan ayaa waxay dalka ku sugnayd muddo laba sano ka badan, iyadoo bare ka ahayd jaamacadda Soomaaliya, iyadoo maamulka guud ee jaamacadda Soomaaliya ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan dilka macallimadan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya