3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Hogaamiyayaasha Caalamka oo Siyaabo kala duwan uga hadlay Geeridii ku timid Aabbihii Xoriyadda Dalka Koonfur Afrika (SAWIRRO)


Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Dalka Koonfur Africa ayaa waayay shaqsi agtooda aad ugu weyn ,kaasi oo u soo dagaallamay xoriyadda wadankaasi, isla markaana ah hogaamiyihii ugu horeeyay oo  madow ah oo madaxweyne ka noqda Koonfur Africa ka dib muddo 27-sano ah oo uu xabsi ku jiray.

Geerida ku timid Nelson Mandela waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda dowladaha  qaybahooda kala duwan oo ay ku jiraan kuwa horey xilal u soo qabtay iyo qaar ka mid ah dad caan ka ah adduunka oo kusoo guulaystay  billada nabadda ee Nobel Peace.

Hadaba halkan waxaa ku soo koobaynaa hadalladii ay maanta sii daayeen hogaamiyayaasha aduunka qaarkood ,oo intooda badan ka hambalyeeyay wixii uu soo qabtay Mandela oo ah ruux si weyn looga yaqaan aduunka.

Madaxweynaha Koonfur Afika ayaa ahaa ruuxi ugu horeeyay ee shaaciyay geerida Nelson Mandel oo 95-sano jir ku geeriyooday, isagoo oo sheegay in Mandella  uu ahaa aabaha xorriyadda Koonfur Afrika.

“Qaranka Koofur Afrika wuxuu waayay wiil, dadka Koofur Afrikana waxay waayeen Aabbe”ayuu yiri Madaxweyne Zuma oo hadalkiisa ku sii daray. “Wixii ka dhigay Mandela qof weyn oo la qadariyo ayaa dhab ahaan ah wixii ka dhigay bani’aadam”.

Waxaa kaloo geerida ku timid Nelson Mandela ka hadlay FW de Klerk oo ah madaxweynihii Koonfur Africa sanadihii 1989-1994 ,isla markaana ah ruuxii go’aamiyay in Mandela xabsiga laga sii daayo isagoo sheegay in geeridan ay murug weyn u tahay dhamaan Afrika oo dhan.

“Hoggaamiye rasmi ah ayuu ahaa Mandela ,waayo waxaa uu ka horyimid arimo badan oo xiligiisi qatar galin karayay dadka madawga ah,” ayuu yiri de Klerk oo ay ka muuqatay in uuu aad uga xunyahay geerida ku timid hogaamiyihii Koonfur Africa.

Madaxweynaha Maraykanka Obama ayaa  isna in badan ka sheekeeyay halgankii uu soo galay Mandela, kaasoo xusay in Mandela uu waqti badan ka galay sidii dadka madowga iyo cadaanka Koonfur Africa  u hali lahaayeen fursado isku mid ah.

“Wixii intaa ka danbeeyay annagu ma lehin ee waxaa leh kuwii naga horeeyay ,waana tusaalaha dhabta ah ee aduunkan,” ayuu yiri Obama oo xusay in Mandela oo ahaa geesi madow ah oo in badan u soo dagaallamay xoriyadda Koonfur Afrika

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka  Joseph Biden ayaa sheegay in saaxiibo aad u dhow ay ahaayeen Mandela, isla markaana markii xabsiga laga soo daayay Nelson ay ku kulmeen xafiiskiisa, isagoo ku daray  in ay aqoon dheeraad ah isku lahaayeen.

“Markii laga soo daayay xabsiga waqtigaa aniga Senator ayaan ahaa waxaan weydiiyay  waxa kala gudboon xabsiga uu mudada ku jiray, wuxuuna jawaab iiga dhigay in saaxiib uu la yahay waqtigan la joogo kuwii isaga xiray,” ayuu yiri Biden oo ka tacsiyadeeyay geeridaas.

“Adduunka waxa uu waayay mid ah dadkii ugu codka dheera dhanka cadaaladda una soo  dagaallamay in xoriyad ay ku wada noolaadaan qaran ka kooban dad isku dhaf ah ,Mandela waxa uu inoo yahay calaamada innaga oo dhan “ayuu isna yiri xoghayihii hore ee Qaramada Midoobay Koofi Anan oo ka hadlayay geerida ku timid Nelson .

“Dhimashadiisa waxey ka dhigantahay in aduunka uu waayay hogaamiye weyn, kaasi oo Koonfur Africa ku hogaamiyay nabad iyo dib u heshiisiin ilaahey ayaan uga baryayaa  in nabad galyo uu ku sugnaado aniga oo tacsi u diraya eheladiisa,“ ayuu isna yiri hogaamiye diimeedka Tibet Dalai Lama,kaasi oo billada nabadda aduunka ku guulaystay laba jeer.

Haddii aan dib ugu laabano taariikh kooban oo ku saabsan Mandela, waxaa xabsiga dhigay dowladii caddaanka ahayd isaga iyo shaqsiyaad gaar ah oo lagu eedayay in ay doonayaan afgambi ay ku sameeyaan xukuumaddi jirtay waqtigii uu xirnaa.

Isaga oo ka hadlayay maxkamadda gudaheeda dacwad loogu magac daray Rivonia oo ah meel ku taalla banaanka Johannesburg halkaasi oo laga soo xiray qaar ka mid ah dadka eedeysnaa, ayaa Mr Mandela waxa uu gudbiyay waxa uu aaminsan yahay oo la xiriirtay  dimuqraadiyad, xorriyad iyo sinnaan.

“Waxaan difaacayaa aragtida dimuqraadiyadda iyo bulsho xor ah taasi oo dhammaan dadku ay ku wada nool yihiin heshiis iyo fursado loo siman yahay,” isagoo ku daray  “Waa aragti aan rajeynayo inaan ku noolaado oo aan helo. Laakiin haddii loo baahdo, waa aragti aan diyaar u ahay inaan u dhinto.”

Ugu danbayntii madaxda dowladaha aduunka ayaa dhamaantood wada sheegay in si isku wada mid ah  uga qayb-galayaan munaasabado gaar ah oo loogu tacsiyadaynayo Koonfur Africa ,maadaama  uu ka geeriyooday ruux sabab u ahaa xoriyadooda.



Faysal Mohamed Hassan
[email protected]













Click here
12/6/2013 1:58 PM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Nelson Rolihlala Mandela wuxuu 18-kii bishii July sannadkii 1918-kii ku dhashay tuulo yar oo ku dhow magaalada Umtata ee gobolka Eastern-cape ee dalka Konfur Afrika, wuxuuna kasoo jeedaa qoys qowmiyad ah oo lagu magacaabo Xhosa.

12/6/2013 11:58 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa Booqasho ku tagay caasimadda Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia ee Jig-jiga ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay gudoomiyaha baarlamaanka Dalka Ethiopia oo ku martiqaaday ka qaybgalka xuska maalinta qoomiyadaha Ethiopia oo sannadkan loo asteeyey in lagu qabto magaalada Jigjiga ee dawlad deegaanka Soomalida Ethiopia.

12/6/2013 11:46 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xilli ay muddo koobani ka harsan tahay waqtiga ay dhici doonto doorashada madaxtinimada ee Puntland, ayaa waxaa si weyn dhammaan gobollada looga dareemayaa ololaha ay wadaan musharraxiinta u taagan xilka madaxweynenimada.

12/6/2013 8:35 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay goor dhow macallimad u dhalatay dalka Uganda oo lagu magacaabo Laylo oo wax ka dhigaysay Jaamacadda Soomaaliya oo ka mid ah jamaacadaha ku yaalla Muqdisho.

12/6/2013 7:23 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo madaxweynayaasha maamullada Somaliland iyo Puntland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa si isku mid ah uga hadlay geeridii madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Nelson Mandela.

12/6/2013 6:47 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xildhibaan magaciisa lagu sheegay Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax goor dhow ka dhacay illinka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

12/6/2013 5:38 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo maanta -xilli uu ka dhoofayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe- warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in la aqoonsaday qofkii fuliyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

12/6/2013 1:58 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in maamulka uu madaxda u yahay uu ku guuleystay horumarinta adeegyada bulshada ee Gobolka Banaadir.

12/6/2013 1:57 AM EST
Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe si ay u dhexdhexaadiyaan beelo walaalo ah oo ay dagaallo ku dhexmareen bariga degmada Jowhar.