4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Somalia oo lagu dilay Qarax ka dhacay illinka hore Xarunta Madaxtooyada Somalia

Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Xildhibaan magaciisa lagu sheegay Maxamed Warsame Maxamed (Faysal) oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamanaka Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax goor dhow ka dhacay illinka hore ee xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga xildhibaanka oo galayay madaxtooyada uu qaraxu si lama filaan ah ku dhacay, iyadoo goobjoogayaal halkaas ku sugnaa ay sheegeen in qaraxa uu u muuqday inuu ahaa mid gaariga lagu soo xiray.

“Gaariga xildhibaanka oo galayay xarunta madaxtooyada ayuu qarax weyn dhacay wuxuuna dhaawac kasoo gaaray xildhibaanka iyo gabar xildhibaanad hore oo gaariga la saarnayd, xildhibaankuna wuxuu daqiiqado kaddib ku dhintay isbitaalka Madiina,” ayuu yiri xildhibaan Sidoow Abaadir qaraxa kaddib saxaafadda la hadlay.

Xildhibaankan ayaa wuxuu ahaa guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada ee golaha shacabka Soomaaliyeed, lamana oga cidda ka dambeysay qaraxan iyo cid sheegatay midna, balse wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyo dhowr oo dhibaato loogu geystay qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya iyo shaqaalaha dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid xildhibaan Maxamed Faysal, iyadoo dhowr mudane ay ka dhinteen baarlamaanka Soomaaliya oo hal sano oo keliya jira.

Ma ahan markii ugu horreysay oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya qarax lagula eegto Muqdisho, iyadoo lagu dilay qarax xildhibaan Garweyne oo ka mid ahaa xubnihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, sidoo kalena dhowr bilood ka hor qarax lagula eegtay degmada Xamarweyne xidhibaan Sheekh Aadan Mad-Deer.

Dhawaan ayay ahayd markii kooxo hubeysan ay xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir ku toogteen xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Somalia, xilli uu ku socday gurigiisa oo xaafaddaas ku yaallay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya