4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 6 , 2013
Qofkii isku Qarxiyey Magaalada Boosaaso oo la Aqoonsaday


Jicmo, December 06, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud oo maanta  -xilli uu ka dhoofayey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe- warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in la aqoonsaday qofkii fuliyey qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ninka weerarkaas fuliyey lagu magacaabi jirey Axmed Ibraahim Axmed Aadan, islamarkaana uu kasoo jeedo gobolka Shabeellada Dhexe, isagoo taas ka hadlaya waxuu Madaxweynaha Puntland yiri: "waanu haynaa xogta ninkii qaraxa sameeyey, waa la daba galay magaciisa waxaa la yiraahdaa Axmed Ibraahim Axmed Aadam, waa reer Shabeelle, Shabeellaha Dhexe ayuu ku dhashay..."

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in falkaas loo soo qabtay shan nin oo kale, shanta qof ee la qabtay ayuu tilmaamay in dhamaantood ay kasoo jeedaan gobollada koonfurta  "shan kalena waa la qabtay, intuba waa reer koonfureed, waa inta ka shisheysa gobollada dhexe" Faroole ayaa yiri.

Dhinaca kale, isagoo ka hadlayey safarkiisa iyo halka uu ku wajahan yahay, wuxuu sheegay in socdaalkiisu uu ku jiheysan yahay dalka Itoobiya, halkaas oo isaga iyo wefdigiisu ay kaga qayb geli doonaan xuska qowmiyadaha Itoobiya, madaxda dalkaasna ay kulammo kula soo qaadan doonaan.

Qaraxii is-miidaaminta ahaa ee shalay magaalada Boosaaso ka dhacay oo lala beegsday ciidamo ka tirasn kuwa badda ee Puntland, waxaa ku dhintay 8 qof  waxaana ku dhaawacmay 37 kale oo u badan shacab.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya