4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
WARARKA DIBADDA: Dagaallo Ka Qarxay Magaalo Madaxda Afrikada Dhexe iyo Macallin Mareykan ah oo lagu dilay Liibiya


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 105-qof ayaa lagu dilay dagaallo culus oo maanta ka qarxay magaalada Bangui ee xarunta Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, iyadoo lasoo sheegayo in dagaalladan ay u dhexeeyaan kooxo hubeysan oo muslimiin ah iyo kooxo kiristan ah.

Dagaalladan ayaa qarxay markii dagaalyahanno muslimiin ah ay weerareen saakay aroortii saldhig ciidamada dalkaas ay leeyihiin oo lagu magacaabo Bossangoa, halkaasoo ay ilaalo uga hareen dad fara badan oo deegaannadoodii ka barakacay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in 50-qof oo ka mid ah dadka dhintay maydadkooda laga helay masaajid ku yaalla deegaan lagu magacaabo PK5 oo ku dhow magaalada xarunta ah ee Bangui.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalladan uu daba-socdo dagaallo noocan oo kale ah oo horay uga dhacay dalkaas, iyadoo kooxaaha dagaalamaya mid ka mid la sheegayo in daacad ay u tahay madaxweynihii hore ee dalkaas, Francois Bozize oo xukunka laga tuuray.

Xarunta dalka Afrikada Dhexe ee Bangui ayuu dagaalka xooggiisa ka dhacay, iyadoo weli ay dagaalladu socdaan, waxaana dagaalladani ay kusoo beegmayaan xilli laga dalbanayo Qaramada Midoobay inay si deg-deg ah ciidammo ku geyso dalkaas, halka madaxda Afrika ay sheegayaan in ciidamm Afrikaan ah oo ay taageerayaan kuwa Faransiiska la geynayo.

Dhanka kale, magaalada Benghazi ee dalka Liibiya ayaa maanta lagu dilay macallin lagu magacaabi jiray, Ronnie Smith oo 33-jir oo u dhashay dalka Mareykanka xilli uu saakay u kallahayay iskuul uu bare ka yahay.

Kooxo hubeysan ayaa macallinkan ku toogtay bartamaha xaafadda Al-Fwihet oo ka tirsan magaalada Benghazi sida uu sheegay afhayeenka ciidamada amniga magaaladaas, Ibraahim Al-sharaa.

Afhayeenka ayaa sheegay in macallinkan oo kasoo jeeda gobolka Taxes uu toddobaad ka hor kasoo laabtay fasax uu ku tagay dalkiisii, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay dilkiisa iyo cid weli sheegatay.

Dalka Liibiya ayaa horay loogu dilay dad dhalashadoodu tahay Mareykanka, iyadoo Liibiya ay sannad ka hor gashay qalalaase, kaddib markii awoodda dalkaas si xoog ah looga tuuray madaxweynihii dalkaas, Mucamar Al-Qadaafi.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya