4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Boqoradda dalka Britain oo Warqadihii Aqoonsiga Safiirnimo ka Guddoontay Dajiraha Soomaaliya ee dalka Ingiriiska (SAWIRRO)


Khamiis, 05 December 2013(HOL): Waxaa shalay, waraaqihiisa dublimaasiyadeed u gudbiyey Safiirka Soomaliya u fadhiya wadanka Britain Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”.

Boqarada  Boqortiiyada Midowga Britain, ahna madaxa guud ee wadammada ku bohoobay ururka barwaaqo sooranka Boqorad Elizabeth II. Xaflad aad loo agaasimay oo ka dhacday hoyga boqoradda ee Buckingham Palace ayay Boqoradda kaga guddoontay Safiirka waraaqihiisa dublumaasiyeed ee safiirnimo.

Boqoradda iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya, waxaana wax ka weydiinnay kulanka uu la yeeshay Boqoradda oo saxaafada dibadda ka joogtay, wuxuuna sheegay in kulankooda uu guul ku soo dhammaaday, uuna u gudbiyay dhambaal uu ka siday Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

“Waxaan u gudbiyey boqoradda dhambaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Dwaladda Federaalka Mudane Xasan Sh. Maxamuud,   Waxaana ka wada hadalnay danaha labada wadan oo ay saaxiibtinimada qotada dheer ay ka dhaxeyso. Waxaan kaloo siiyey Boqoradda warbixin guud oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxayna ii sheegatay sida Dawladeedda iyo Shacbiga Britain u garab taagan yihiin ummudda iyo Dawladda Somaaliyeed, uguna mahadcelisay Madaxweynaha Xasan Sh. Maxamud dhambaalkiisa qoraalka ah”ayuu yiri Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”.







Hashim Duale, Hiiraan Online
[email protected]
London, UK