4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Madaxweynaha Somalia oo si adag u dhaleeceeyay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa Maanta ka dhacay Magaalada Boosaaso


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa si adag u dhaleeceeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada  Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo tacsi u diray dhammaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxaas.

“Argagixisada waxaa looga guuleystay dagaalkii ay kula jireen ummadda Soomaaliyeed, haddana waxay billaabeen inay shacabka Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan ay laayaan. Insha Allah waan ka guuleysan doonaa,” ayuu madaxweynuhu ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Isagoo sii hadlaya madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu ALLE uga baryayo in shacabkii maanta ku geeriyooday qaraxii Bosaaso uu Jannatul Fardowsa ah ka waraabiyo.

"Waxaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinyaa in hal meel ay uga soo wada-jeestaan ciribtiridda cadawga Soomaaliyeed," ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo sheegay in tani ay qayb ka tahay dhibaatada Soomaalida lagu hayo.

Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay bartamaha xarunta gobolka Bari ee Boosaaso, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan sideed qof oo isugu jiray ciidamadii lagu weeraray iyo shacab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya