4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Saacid oo sheeagay inuu Aqbalay go’aankii Baarlamaanka uuna la shaqeyn doonaa Xukuumadda cusub ee soo socta


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii Somalia ee maalmo ka hor uu baarlamaanku kala laabtay kalsoonida, Cabdi Faarax ayaa maanta sheegay inuu aqbalay go’aankii kalsooni kala laabashada xukuumadiisa uuna la shaqeyn doono xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo.

Saacid oo ka hadlay kulan ay yeesheen golihiisa wasiirrada ayaa sheegay in baarlamaanka Somalia looga baahan yahay inay u ogolaadaan in ra’iisul wasaaraha cusub uu fikirkiisa ka horjeediyo oo aan loo diidin sidii isaga ku dhacday oo kale.

“Maanta waxaanu yeelanay kulfadhigii golaha wasiirradda tan iyo markii uu soo baxay go’aanka baarlamaanka labadii bishan December, waxaanu ka hadalnay sidii caadadu ahayd arrimo badan oo Qaranka quseeya, gaar ahaan go’aankii baarlamaanka, markii aanu dhinacyo badan ka eegnayna waanu soo dhaweynay, waxaana aad ugu mahadcelinayaa golaha xukuumadda oo mar labaad ila gartay ilana ayiday inaanu taageerno isla markaana aqbalno go’aanka baarlamaanka, waana sidii aan hadda ka hor sheegay,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid oo xusay markii hore uu ku yimid isaga iyo golaha Xukuumadu si sharci ah isla markaana haatan maray wadada ugu habboon ee sharciga ah.

Isagoo sii hadlay ayuu yiri: “Inaanu u hogaansanno go’aanka baarlamaanka sharaf iyo taariikh weyn bay noo tahay” ayuu mar kale yiri Ra’iisul Wasaare Saacid. laakiinse wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliay uu jabiyay qodobbo sharci ah oo ahaa in qofka eedda lagu soo rogay uu xaq u leeyahay inuu is-difaaco, balse taas ay dhici wayday.

Sidoo kale, Saacid oo shaqada kasii dagaya ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay qorsheysay in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah marka la gaaro 2016-da isagoo dalbaday in halkeeda laga sii wado howlihii ay xukuumaddiisu soo qabatay halkii sano ee ay shaqeynaysay.

“Aniga iyo xukuumadeydii waxaan go’aan ku gaarnay in dalka ay doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka, si shacabka Soomaaliyeed ay u soo doortaan mas’uulkii ay doonaan inuu hoggaamiyo, waxaana ra’iisul wasaaraha cusub iyo xukuumaddiisa aan ka codsanayaa in howsha halkeeda laga sii wado,” ayuu yiri Saacid.

Mudane Saacid ayaa sidoo kale sheegay inay ka go’an tahay inuu mar walba garab-taagnaado dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay inuu jecel yahay in Soomaaliya ay ka baxdo dhibaatooyinkii ay kusoo jirtay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, dalkuna uu gaar horumar iyo barwaaqo.

Hadalka ra’iisul wasaaraha xilka banneynaya ayaa imaanaya xilli maalmo ka hor ay xildhibaannada baarlamaanka si aqlabiyad ah isugu raaceen in lagala laabto kalsoonida xukuumaddiisa oo shaqeynaysay muddo hal sano ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlya xil ka qaadista ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo howlaha xukuumadda iyo sidii howsha dowladda loo wadaagi lahaa dalkana loo gaarsiin lahaa horumar iyo nabadgalyo waarta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya