3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 5 , 2013
Dood-cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga marin habaabinta dhalinyarada oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay (SAWIRRO)


Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay ka hortagga marin habaabinta dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dooddan ay ka qayb-galeen odayaasha dhaqanka, waxgarad, culummaa'uddiin iyo dhallinyaro.

Dooddan oo ay soo qaban-qaabisay hay’adda CCD ayaa waxaa lagu falan-qeeyay sida odayaasha dhaqanka iyo culummada ay qayb uga qaadan lahaayeen wacyi-gelinta dhallinyarada la marin habaabiyay ee loo adeegsado hurinta dagaallada iyo is-qarxinta.

Ugu horreyn waxaa furitaanka doodda ka hadlay C/llaahi Cabdulle Wehliye oo sheegay in odayaasha dhaqanka ay tahay doorkooda inay wacyi-geliyaan bulshada, isla markaana ay wax u sheegaan dhallinyarada la qalday, si ay dib ula midoobaan dhallinyarada asaaggooda ah.

"Wacyi-gelinta waxaa lagu gaarsiin karaa warbaahinta, meelaha bulshada isku timaaddo, waxaa muhiim ah in culummaa'uddiinka iyo odayaasha iska kaashadaan sidii dhallinyarada la qalday loo wacyi-gelin lahaa," ayuu yiri Wehliye.

Sidoo kale waxaa ka hadlay doodda,  Suldaan Kamaal Salaad Xasan oo isna sheegay in odayaasha iyo culimmada ay isugu geeyaan aqoonta iyo caqliba sidii dhallinyarada mustaqbalkooda loo bad-baadin lahaa.

Weheliya oo sii hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay waligood nabadda ka talin-jireen, geed-hoostiis lagu dhaqi jiray, isla markaana kan qaldan lagu qaban jiray, waxaana uu tilmaamay in sida kaliya ee ammaanka lagu adkeyn karo ay tahay wada-shaqeyn dhex-mara hay'adaha amniga iyo bulshada.

Macallin Maxamuud Cali Maxamed ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay ka soo noqdaan fikirka qaldan, isagoo waaliddiinta ku wargeliyay in caruurtooda ay la socdaan si aan loo marin-habaabin.

Abwaan Maxamed Maxamuud Shido ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay xog-ogaal u yihiin bulshada, isla markaana ay yihiin garsoorka hoose ee bulshada, wuxuuna hoosta ka xariiqay xusay inay udub dhexaad u yihiin nabadda dalka.

“Odayaasha dhaqanka waxay kaalin ku yihiin nabadda, sidaa awgeed waxay kala qayb-qaadan karaan hay'adaha amniga sidii nabadda dalka loo sugi lahaa, nabaddana waxay ka billaabataa guriga," ayuu yiri abwaan Shido.

Waxaa kaloo ka hadlay doodda nabadoon, Cabdullaahi Xeyle Faarax isagoo sheegay in loo baahan yahay in odayaasha dhaqanka iyo culumaa'udiinka ay qaataan door muhiim ah sidii dhalinyarada Soomaaliyeed looga bad-baadin lahaa kuwa doonaya inay maskaxda ka rogaan, isla markaana loogu horseedi lahaa mustaqbal wanaagsan.

"Waa in gacmaha la is-qabsadaa, midnimo iyo dowladnimana loo jeestaa, ummadaha horay u maray waa inaan dalkeenna horumarino dagaalladana la joojino, dhallaankeena aan bad-baadinno," ayuu yiri nabadoon Xeyle.

Ugu dambeyn, xubnihii dooddan ka qayb-galay ayaa waxay halka uu shirku ka dhacay isku weydaarsadeen fikrado iyo talooyin ku aaddan sidii dhallinta Soomaaliyeed looga wacyi-gelin lahaa marin habaabinta, isla markaana ay uga qaybqaadan lahaayeen nabadda iyo horumarka dalka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
12/5/2013 5:45 PM EST
Khamiis, 05 December 2013(HOL)—Madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah ee madax ka noqda Dalka Koofur Afrika, isla markaana si weyn caan ugu caan ahaa la-dagaallanka midab-takoorka Nelson Mandela ayaa caawa ku geeriyooday magaalada Johannesburg.

12/5/2013 12:26 PM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ugu yaraan 105-qof ayaa lagu dilay dagaallo culus oo maanta ka qarxay magaalada Bangui ee xarunta Jamhuuriyadda Afrikada dhexe, iyadoo lasoo sheegayo in dagaalladan ay u dhexeeyaan kooxo hubeysan oo muslimiin ah iyo kooxo kiristan ah.

12/5/2013 11:03 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ergeyga gaarka ah ee xog-hayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ka hadlay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee maanta magaalada Boosaaso ka dhacay.

12/5/2013 10:50 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee baarlamaankii KMG ahaa ee Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay isagoo sheegay in dhawaan ay magaaladaas tegi doonaan guddoomiyaha baarlamaanka iyo xildhibaanno wehlinaya.

12/5/2013 10:35 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiiradda arrimaha dibadda dowladdii kalsoonida lagala laabtay ee Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka qaybgaleysa shirka ammaanka iyo nabada Afrika oo ka dhacaya dalka Faransiiska ayaa maanta kulan gaar ah la yeelatay guddoomiyaha Bankiga Bred, Mr Steve Gentili iyadoo ay kawada-hadleen sidii arrimaha dhaqaalaha Soomaaliya ay u noqon lahaayeen kuwo horumar sameeya.

12/5/2013 9:43 AM EST
Khamiis, 05 December 2013(HOL): Waxaa shalay, waraaqihiisa dublimaasiyadeed u gudbiyey Safiirka Soomaliya u fadhiya wadanka Britain Danjire Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”.

12/5/2013 9:36 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu daah furayay olole 16 maalmood soconaya oo looga hadlayo ka hortagga xad-gudubyada lagula kaco haweenka Soomaaliya oo ay soo qabanqaabisay agaasinka haweenka ee wasaaradda horumarinta iyo adeegga bulshada Soomaaliyeed ayaa ka furma maanta magaalada Muqdisho.

12/5/2013 9:28 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay go’aankii dhawaan ay xildhibaannada barlamaanka Soomaaliya kalsoonida kala noqdeen xukuumaddii uu hogaaminayay raysul-wasaare Saacid ka dib hab cod tirrin ah oo gudoonka sare ee barlamaanka Soomaliya uu sameeyay.

12/5/2013 9:19 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in dib loo furay wadada hormarta saldhiga booliiska magaalada Beledweyne oo xirneyd tan iyo wixii ka danbeeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday saldhiga 19-bishii November ee ina dhaaftay.

12/5/2013 7:33 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa si adag u dhaleeceeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, isagoo tacsi u diray dhammaan muwaadiniintii ku geeriyootay qaraxaas.

12/5/2013 7:29 AM EST
Talaado, December 03, 2013 (HOL)— Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo goor dhow warbaahinta la hadlay, ayaa cambaareeyey qaraxii khasaaraha badan geystey ee maanta barqadii magaalada Boosaaso ka dhacay.

12/5/2013 6:56 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Taliyaha cusub ee ciidamada badda Soomaaliya, Maadeey Nuuroow Sheekh Ufuroow oo xilkan uu dhawaan u magacabay madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta sheegay inaysan difaaci doonin kalluumeysata iyo doomaha ay wataan oo aan sharciyeysnayn aysanna ka warhayn ciidamada badda Soomaaliya.

12/5/2013 6:34 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qaybgalaysa shirka Amniga & Nabadda ee qaaradda Afrika oo loogu magacdaray Elysee Summit for Peace & Security in Africa oo maanta si hor-dhac ahaan ah uga furmay magaalada Paris ee dalka Faransiiska.

12/5/2013 6:29 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax maanta barqadii lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa badda ee Puntland, xilli ay marayeen meel u dhow xarunta weyn ee Shirkadda Amal oo ku taal bartamaha magaalada Boosaaso.

12/5/2013 6:05 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaarihii Somalia ee maalmo ka hor uu baarlamaanku kala laabtay kalsoonida, Cabdi Faarax ayaa maanta sheegay inuu aqbalay go’aankii kalsooni kala laabashada xukuumadiisa uuna la shaqeyn doono xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo.

12/5/2013 5:08 AM EST
Khamiis, December 05, 2013(HOL) :- Xilli mudooyinkii u danbeeyay ay magaalada Kismaayo ka dhacayeen falal liddi ku ah ammaanka, ayaa wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu amray guutada 94-aad ee ciidamada maamulka in maanta wixii ka danbeeyay ay masuul ka yihiin amniga magaalada Kismaayo.

12/5/2013 4:19 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Qarax aad u xooggan ayaa maanta abbaare 11:00AM ka dhacay bartamaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Qaraxa oo ahaa miino dhulka lagu aasay waxaa lala beegsaday kolonyo ay wateen askar ka tirsan ciidamada badda ee Puntland.

12/5/2013 1:18 AM EST
Khamiis, December 05, 2013 (HOL) — Munaasabad casho sharaf ah oo uu xalay guddoomiyaha baarlamaanku u sameeyay xildhibaannada golaha shacabka ayaa waxaa ka qaygalay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.