4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Wasiir ka tirsan Maamulka Somaliland oo ka digay in la xiro xawaaladaha ay Dadka Soomaaliyeed Lacagaha ku dirsadaan


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Wasiirka qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Sacad Cali Shire ayaa ka digay in bankiga Barclays ee dalka Britain uu xiro xisaabaadka xawaaladaha ay dadka Soomaaliyeed lacagta ku dirsadaan.

Mr. Shire ayaa sheegay haddii bangiga Barclays uu joojiyo xawaaladaha ay Soomaalidu lacagaha u soo marsiiyaan gudaha dalka iyadoo la cuskanayo inay lacagahaas qaarkood gacanta u galaan argagaxisada, isagoo sheegay in tani ay la micno noqonayso dambi caalami ah oo lagu doonayo in lagu cuno-qabteynayo dadka doonaya inay ehelladooda quudiyaan.

“Lacagaha ay soo diraan guud ahaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Somaliland waa mid naf-badbaadin ah,” ayuu yiri wasiirka oo wareys siiyay wakaaladda wararka Reuters.

Bankiga Barclays ayaa sheegay bishii May ee sannadkan inuu albaabbada u laabanayo gabi ahaan xisaabaadyada ay xawaaladaha Soomaalidu bankiga ku leeyihiin, balse maxkamadda sare ee Britain oo shirkadda Dahabshiil ay  u gudbisay dacwad ka dhan ah bankiga ayaa go’aamiyay inaanu bangigu xiri karin xisaabaadyada shirkaddaas ay ku leedahay.

Mas’uuliyiinta shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid meel ku gaar ah, inta uu bankiga Barcalys fursad u helayo sannadka soo socda ee 2014-ka.

“Haddii go’aanka bankiga Barclays uu noqdo mid hirgala waxaa imaanaysa in dadka Soomaaliyeed ay dhibaato dhinaca nolosha ah lasoo gudboonaato,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Qurbo-joogta Soomaaliyeed ayaa sannad walba xawaaladaha marsiiya lacag dhan 1.5 bilyan oo doolarka Mareykanka, taaso ah dhaqaale ka badan midda ay dalalka caalamku ugu deeqaan Soomaaliya.

Soomaalida ku nool Britain ayaa la sheegay inay sannad walba u soo diraan ehelladooda ku sugan Soomaaliya lacag dhan 160-milyan oo doollar, tasoo la sheegay in inteeda badan ay marsiiyaan shirkadda Dahabshiil.

“Hadda kama jiro Soomaaliya banki shaqeeya, waayo Soomaaliya waxay soo martay 22-sano oo colaado ah oo wax walba ay ku burbureen, sidaa awgeed waa inaan la joojin xawaaladaha lacagaha lasoo marsiiyo,” ayuu yiri wasiirka qorsheynta iyo horumarinta Somaliland, Sacad Cali Shire.

Ugu dambeyn, wasiirka oo sii hadlay ayaa sheegay in go’aanka Barclays ay ku sheegtay inay xirayso xawaaladaha ay si wadajir ah u saameysay dadka Soomaaliyeed oo dhan, isagoo xusay in dadka gudaha Soomaaliya ku nool ay noloshoodu ku tiirsan tahay lacagaha dibadda uga yimaada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya