4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Qaramada Midoobay oo sheegay in uu sii xoogeysanayo xiriirka u dhexeeya Xarakada Al-shabaab iyo Urur-weynaha Al-Qaacida

Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Warbixin uu soo saartay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay inuu xoogeysanayo xiriirka u dhexeeya Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya iyo urur-weynaha Al-Qaacida.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa warbixinta ku sheegay inuu aad uga walaacsan yahay hoos u dhaca ku yimid dagaalladii lagula jiray Al-shabaab, isagoo xusay in kooxdan ay weerarro ka geysato dalalka Bariga Afrika ku yaalla.

Ban Ki-Moon wuxuu sheegay inaan la ogolaan karin soo kabato oo ay dib isku urursato, isagoo caalamka ugu baaqay in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya dagaalka ay kula jirto kooxdan.

Al-shabaab ayaa sheegtay bishii Feberaayo ee sannadkii hore 2012 inay si rasmi ah ula midoobeen Al-shabaab, kaddib cajalad maqal ah oo uu soo duubay hoggaamiyaha kooxdan Sheekh Mukhtaar Abuu-Zubeyr oo laga sii daayay warbaahinta.

Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa hadalkiisa ku sheegay in milateri ahaan, maamul ahaan iyo fikir ahaan ay ugu biireen Al-shabaab, isagoo xusay in wixii maanta ka dambeeya uu hoggaamiye u yahay hoggaamiyaha guud ee Al-Qaacida Sheekh Ayman Al-Zawaahiri.

Warbixinta golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa imaanaysa xilli Al-shabaab ay sheegatay weerarkii ay ku dhinteen 67 qof oo lagu qaaday bishii September ee sannadkan rugta ganacsiga ee Westgate Mall ee Nairobi kaasoo qaatay muddo afar maalmood ah.

“Tallaabooyinka horumarineed ee la qaaday iyo doorashada lagu wado inay Soomaaliya ka dhacdo sannadka 2016, waxaa hortaagan caqabado aad u waaweyn oo ay ka mid tahay Al-shabaab,” ayuu Ki-Moon warbixintiisa ku sheegay.

Inkastoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee gacanta ay ka helaan ay ku guuleysteen inay Al-shabaab ka saaraan deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya haddana Al-shabaab weli waxay ka talisaa deegaanno badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya