4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Munaasabad lagu taageerayay go’aankii Baarlamaanka Somalia ee kalsooni kala Laabashada Xukuumada oo Muqdisho lagu qabtay

Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ayaa waxaa maanta ka dhacay munaasabad lagu taageerayay go’aankii uu baarlamaanka Somalia shalay kalsoonida ugu diiday xukuuumadda ra’iisul wasaare Saacid.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin iyo waxgarad kala duwan kuwaasoo soo dhaweeyay go’aanka, iyadoo qaarkood ay sheegeen inuu ahaa go’aankan mid geesinimo leh oo caddeyn u ah in Soomaaliya ay leedahay baarlamaan lagu kalsoonaan karo.

“Halkan waan ka caddeynayaa in go’aankii shalay uu baarlamaanku qaatay ee kalsoonida lagala laabtay xukuumadda uu ahaa mid sax ah maadaama ay xukuumaddu kasoo bixi waday waajibkeedii, waana ku taageeraynaa, waana ku mahadsan yihiin, qofkii howshiisna gudan waayana waa in sidan oo kale xilka looga xayuubiyo” ayay tiri guddoomiye ku xigeenka ururka haweenka degmada Yaaqshiid, Batuulo Maxamed Nuur oo kulanka ka hadashay.

Sidoo kale, Batuulo waxay sheegtay in baarlamaanku uu gutay howshii loo xil-saaray ayna ka doonayaan madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud inuu soo magacaabo mas’uul kale oo xilkiisa gudan kara.

Nabaddoon Xasan Guure oo ka mid ah waxgaradka degmada Yaaqshiid oo isaguna hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay u baahan yihiin in xilkan loosoo magacaabo shaqsi waxtar u leh danta dadka iyo dalka.

“Waxaan isugu nimid inaan taageerno go’aankii geesinimada lahaa ee shalay uu qaatay baarlamaanka Soomaaliya, ee aan u baahan in arrintan dibaddiisa sida dalalka dariska ah oo markii hore la aadi jiray haddii khilaaf noocan oo kale ah uu dhaco,” ayuu yiri Guure.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Yaaqshiid, Maxamed Ismaaciil Jimcaale oo isna ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in go’aankii baarlamaanka ay soo dhaweynayaan, ayna leeyihiin ra’iisul wasaarihii hore howshii aad soo qabatay intii aad xil haysay waad ku mahadsan tahay taariikhda ayaana ku xusi doonta.

“Waan soo dhaweynaynaa waan taageeraynaa go’aankii baarlamaanka uu qaatay, waxaan leennahay waa go’aan geesinimo leh oo in laga maarmay faragelin shisheeye iyo in madaxda dowladda mid ka mid ah culeys la saaro marka arrintan oo kale ay dhacdo,” ayuu yiri Jimcaale oo intaas ku daray in ra’iisul wasaaraha xilka ka dagaya ay sii sagootinayaan.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Qof walba oo Soomaali ah ee wax soo qabata waxqaabadkeeda ha yaraado ama ha badnaado waxay mudan tahay in la yiraado wax-baad qabatay. Dalkeennu marxalada uu marayo waad og-tihiin waa marxalad xasaasi ah, ciddii u dhabar-adaygtana waxaan leennahay waad mahadsan tahay.”

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Xasan Jurrus oo sheegay in go’aankii xukuuumadda lagala laabtay ay kalsoonida, isagoo sheegay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loosoo magacaabo mas’uul dar-dargelin kara howlaha xukuumadda horyaalla.

“Baarlamaanka Soomaaliya ee sharafta badan waxaan ugu hambalyeynayaa in murankii u dhexeeyay madaxda dowladda ay ku xalliyeen dastuurka dalka u dagsan oo ah halkii loo laaban lahaa haddii khilaaf yimaado. Waxaana oran karaa inuu yahay baarlamaan la isku halleyn karo laguna kalsoon yahay; si dhab ahna loogu amaani karo aayaha ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jurrus.

Munaasabaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli shalay xildhibaannadu ay si aqlabiyad ah kalsoonida ugala laabteen xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare Saacid.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya