4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 3 , 2013
Ciidamadda Somaliland oo Xabsiga dhigay Maanta Wariyeyaal Mudaharaad cabasho ah ka sameeyey Hargeysa (SAWIRRO)


Talaado, December 03, 2013 (HOL) — Ciidamadda Amaanka Somaliland, ayaa xabsiga u taxaabay ilaa shan wariye oo sitay Boodhadh ay ku qoran yihiin inay xukuumadu cabudhinayso warbaahinta iyo sida ay uga soo horjeedaan siideyntii nin hubaysnaa oo dhowaan weeraray wargeyska Hubaal oo jeelka laga siidaayey.

Wariyeyaashan la xidhay ayaa ka mid ahaaa wariyeyaal farobadan  oo maanta mudaharaad salmiya ka dhigay magaaladda Hargeysa, kuwaas oo ka cabanayey Ninkii soo weeraray wargeyska HUBAAL oo damiin lagu siidaayey.

Warbaahintan oo ay hor socdeen ururka warbaahinta Somaliland ee SOLJA iyo dadka u ololeeya xuquuqda bani’aadamka, kuwaas oo arrin fool xun ku tilmaamay siideynta ninkii fal dambiyeedka lagu haystay oo dhowaan la siidaayey.

Xoghayaha ururka SOLJA Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, ayaa ugu baaqay warbaahinta illaa inta la fulinayo cabashooyinkooda in aan la qorin wararka madaxtooyadda ka soo baxa, isla markaana xukuumadda ugu baaqay in sharciga la hor keeno ninkii weerarka hubaysan ku qaaday wargeyska Hubaal iyo ciddii ka dambaysay.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa si weyn u dhaliilay muwaadin Jaamac Cumar Jiir la yidhaa oo maqaal uu qoray lagu xidhay, isla markaana ku jira jeelka mandheera ka dib markii ay maxkamaddi xukuntay, waxaanu ugu baaqay in muwaadinkiisa aragtiisa dhiibanayey si degdeg ah loo siidaayo, isla markaana uu ku dhex xanuunsnaayo jeelka Mandheera.

Guddoomiyihii hore ee Hay’adda xuquuqulsiinka dawladda Axmed wacays, ayaa ugu ku baaqay xukuumadda in sharciga la hor keeno dadkii fuliyey iyo kuwii ka dambeeyey weerarkii hubaysnaa ee lagu qaaday Wargeyska HUBAAL, waxaanu sharci daro ku tilmaamay sii deynta ninkaasi weeraray wargeyska ee maxkamadda ciidamada siidaysay, iyadoo aan ilaa hadda la xukumin, isla markaana ninkii labaad ee la socday aan la soo qaban.

Si kastaba ha ahaatee, markii warbaahintu ka hadashay dhibaatooyinkii ay tirsanayeen ayaa si degdeg ah ciidamada la dagaalanka Argagixisada ee looyaqaan RRU qabqabteen koox wariyeyaal ah iyo qalabkooddii, waxaanay faro cidideed kamaradaydu kaga badbaaday inay ciidankaasi qabto, maadaama oo ciidanka yoolkiisu ahaa inay qabtaan wariyeyaasha Kamarada lagu arko.

Toddoba bilood ka hor ayaa laba nin oo hubaysani goor habeenimo ah weerareen wargeyska HUBAAL, kuwaas oo rasaas ku riday, Budadna la dhacay maareeyaha Wargeyska Maxamed Caloolay, haseyeeshee nasiib wanaag waxa shaqaalihii wargeysku ku guulaysteen inay qabtaan mid ka mid ah ragii hubaysnaa, waxaanay u gudbiyeen Ninkii iyo hubkiisiiba ciidamada booliska, haseyeeshee waxa uu ninkaasi ka mid noqday ciidanka booliska.

Ninkan oo loo gudbiyey maxkamadda ciidanka ayaa ilaa hadda la hor keenin maxkamadda, isla markaana aan la sheegin baadhitaankii ay wadeen ciidanku halka uu ku dambeeyey, waxaana la ogaaday in toddobaad ka hor ninkii wax weeraray la siidaayey, taasina waxay ka cadhaysiisay warbaahintii.




Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland