4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 29, 2013
Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun ku ridday Rag ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab

Axad, December 29, 2013 (HOL) — Maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan ayaa maanta u fariisatay dacwad ka dhan ah shan ruux oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanaayeen xarrakada Al-shabaab.

Maxkamad oo saakay u fariisatay dhageysiga dacwadaha ka dhanka ah shanta ruux ee  ku eedeysnaa in ay ka tirsanayeen Al-shabaab, ayaa ugu danbeyntii xukun xarig ah ku riday labo ka mid ah eedeysanayaasha.

"Shanta ruux ee maanta loo fariisatay dhageysiga dacwadooda, labo ka mid ah waxaa lagu hellay danbigii lagu soo eedeeyay, mid waxaa lagu xukumay shan sano oo xarig ah halka mid kalana lagu xukumay hal sano oo xarig ah, waxaana amarnay la sii daayo sadexda kale, laakiin waxaa lagu xukumay in todobaadkiiba labo jeer iska xaadiriyaan xafiiska nabad-sugida gobolka,’’ ayuu yiri  guddoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee gobolka Hiiraan Xuseen Cabdi Axmed Rooble.

Dhinaca kale maxkamadda ayaa amar ay soo saartay waxay gabi ahaan ku mamnuucday in gudaha magaalada lagu dhax-qaato hubka, waxaana ay sheegtay in cid kasta oo lagu arko iyada oo si sharci darro ah magaalada hub ugu dhax sidata talaabo laga qaadi doono.

Xabsiga magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku xir xiray eedeysanayaan loo heysto danbiyo kala duwan, kuwaa oo sida ay saraakiisha maamulku sheegeen in sharciga la horkeeni doono.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya