4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Boqolaal arday ah oo ka qalinjabisay kulliyadaha Jaamacadda Plasma oo ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Somalia (SAWIRRO)


Axad, December 29, 2013 (HOL) — Xaflad ay ku qalin-jabinayeen boqolaal arday ah oo ka baxay kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda Plasma ayaa lagu qabtay 26-kii bishan Hoteelka City Plaza ee magaalada Muqdisho, iyadoo ardaydaas la guddoonsiiyay shahaadooyin.

Ardayda qalin-jabisay oo tiradoodu ahayd 400 oo arday ayaa waxay isugu jireen wiilal iyo gabdho, waxayna muddo afar sano ah dhiganayeen qaybaha kala duwan ee kulliyadda jaamacadda Plasma. Munaasabadda qalin-jabinta ah waxaa kasoo qeyb galay madax ka tirsan dowladda Soomaaliya, xildhibaanno, aqoonyahanno, arday, waliddiinta iyo maamulka jaamacadda.

Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari ayaa u hambalyeeyay dhammaan maamulka iyo ardayda jaamacadda Plasma, isagoo ku boorriyay ardayda qalin-jabisay inay dadka Soomaaliyeed uga faa’iideeyaan waxyaabihii ay barteen.

Sidoo kale, Xildhibaan Maxamed Goodir oo horay uga tirsanaa maamulka jaamacadda Plasma ayaa hambalyo u diray ardayda qalin-jabisay, isagoo sheegay in ardaydan ay yihiin madaxdii berri, isla markaana looga baahan yahay inaysan iska lumin fursadda soo martay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

C/qaadir C/raxmaan oo ka mid ah ardayda ka qalin jebinaysa jaamacadda ayaa khudbad dhinacyo badan oo uu halkaas ka jeediyay ka sheegay inay si aad ah ugu faraxsan yihiin inay maanta qalin-jabiyaan isagoo ardayda ugu baaqay inay halkaas kasii wadaan aqoon-kororsigooda.

"Dufcadda maanta ka qalin-jabinaysa jaamacadda Plasma tiradoodu waa ku dhawaad 400 oo arday oo ka kala yimid gobolada dalka, gaar ahaan faraca jaamacadda ee ka furan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada hoose," ayuu yiri C/qaadir C/raxmaan oo sheegay in sidoo kale ardayda ay isugu jiraan kuwo ka kala yimid xarumaha ay jaamacaddu ku leedahay Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood.

Dhanka kale, waxaa xafladda ka hadlay guddoomiyaha jaamacadda Plasma, Xasan Maxamed Xasan (Xasan Kaafi) isagoo si kooban uga hadlay taariikhda jaamacadda Plasma iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay tan iyo sannadkii 2005-ta oo ahayd markii la aasaasay.

Guddoomiye Xasan Kaafi wuxuu sheegay in jaamacadda Plasma horumarka ay ku tallaabsatay ay ka mid yihiin: in lagu kordhiyay kulliyado cusub, inay jaamacaddu yeelatay isbitaal u gaar ah, in jaamacadda gobollada dalka sida Hiiraan, Galgaduud, Dhuusamareeb, Shabeellada Hoose iyo Banaadir ay ku leedahay faracyo.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay leeyihiin dhul bannaan oo la qorsheynayo in adeegyada muhiimka ah ee Jaamacadda wax loogu qabto, isagoo hoosta ka xariiqay in maamulka jaamacadda ay wadaan qorshe ah sidii ay sare ugu sii qaadi lahaayeen waxbarashada jaamacadda.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha jaamacadda Plasma wuxuu hambalyo u diray ardayda ka qalin-jabisay jaamacadda, isagoo ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay jaamacadda iyo ardayda qalin-jabinaysa ayna ardaydu ka gun-gaaraan yoolkooda, wuxuuna kula dardaarmay inay waxbarashadooda sare u qaadaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya