4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Dec 29, 2013
Urur goboleedka IGAD oo afar casho u qabtay in lagu soo Afmeero Colaadda ka Aloosan Dalka yar ee Koonfurta Suudaan

Axad, December 29, 2013 (HOL) — Urur goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay madaxda is-mucaaradsan ee wadanka Koonfurta Sudaan in muddo afar maalin gudahood ah  ay wada yeeshaan kulan  fool-ka fool ah si meesha looga saaro khasaaraha sii kordhaya ee khilaafkooda uu keenay.

Waxaa baaqan si wada jir ah usoo saaray wadamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD oo ay kamid yihiin Itoobiya ,Jabuuti, Uganda, Soomaaliya, Kenya iyo waliba Suudaan, waxaana jiri doonta tallaabooyin hor leh oo ay qaadan doonaan urur goboleedka IGAD haddii xal ay gaari waayaan fariinta loo diray.

Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom ayaa sheegay in ay ka digayaan khataraha ka dhalan kara colaadda oo sii korarta, isagoo xusay in dalabka ay soo jeediyeen u yahay mid ahmiyad gaar ah u leh amniga guud ee gobolka.

“Si adag ayaan u  canbaaraynaynaa tacdiyadda ka  dhanka ah xuquuqul- aadanaha ee ka socda Koonfurta Suudaan  oo ay kamid tahay kufsiga loo gaysanayo haweenka,“ ayaa lagu yiri war ay soo saareen dalalka xubnaha ka ah Ururkaas ka dib shir ay ku yeesheen magaalada Nairobi .

Sidoo kale  madaxweynaha hadda talada haya ee Salva-kiir iyo madaxweyne ku xigeenkii hore oo isna lagu magacaaba Machar ayaaa ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kala qaadaan ciidamadooda u dagaallamaya si loo bad-baadiyo kumanan ruux oo u badan haween iyo caruur.

Urur goboleedka IGAD ayaa kula biiray dowladda Maraykanka canbaareynta loo jeedinayo Machar ee ku aadan in si sharci darro ah uu ku doonayay afganbi uu ku sameeyo dowladda uu Salvakiir hogaamiyaha ka yahay, iyadoo  horey arintan ay uga biya diideen hogaamiyayaal kale oo ka tirsan wadamada dariska ah.

“Shirku waxaa uu dhiira-galinayaa kaalmada muuqata ee dowladda Uganda ay ku doonayso in ay ka qayb-qaadato xasilinta Koonfurta Suudaan,” ayaa kamid aheyd hadalladii lagu soo daabacay qoraalkii ka soo baxay shirkii ay yeesheen madaxda IGAD.

Ugu danbayntii madaxweyne Salva-kiir shirkaas waxaa u matalayay wasiirkiisa arimaha dibadda oo lagu magacaabo Barnaba Maria, waxaana xubnihii ka wada qayb-galay ay dhamaantood soo jeediyaan in taageero dheeri ah lagu bixiyo dadaallada lagu doonayo in xal loogu helo wadanka Koonfurta Suudan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]