4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 28, 2013
Shil Gaari oo Sababay dhimasho iyo dhaawac oo Saaka ka dhacay Duleedka Magaalada Qardho ee Xarunta gobolka Karkaar


Sabti, December 28, 2013 (HOL) —
Saddex qof ayaa ku dhintay toddoba qof oo kalena way ku dhaawacmeen shil gaari oo goor hore oo saaka ah  ka dhacay duleedka koonfureed ee magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

Gaariga shilka galay oo ahaa Toyota Noah waxaa la socdey rikaab u badnaa culimo ka tirsan Kooxda Tabliiqa, wuxuuna ka yimid magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland isagoo kusoo jeeday magaalada Boosaaso.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawaca ah ayaa dhammaantood ka tirsanaa culimada tabqliiqa, waxaana laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ee labo kamid ah toddobada qof ee dhaawaca ah.

Maamulka degmada Qardho iyo dadweynaha ayaa gurmad u fidiyey culimada uu gaari la dhacay, waxaana meydka saddexda qof ee geeriyooday saacadaha soo socda lagu aasi doonaa isla magaalada Qardho.

Lama oga sababta rasmiga ah ee shilkan keentay, haseyeeshee sarkaal ka tirsan hay’adda nabad gelyada waddooyinka ee gobolka Karkaar ayaa Hiiraan Online u sheegay in gaarigu uu jidka ka baxay isagoo xawaare aad u sarreeya ku socda.

Shilalka gaadiidka ayaa si joogta ah uga dhaca jidka dheer ee laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Gaalkacayo iyo Boosaaso, waxaana loo aaneeyaa jidka oo aan wanaagsaneyn iyo wadayaashaa gaadiidka oo u badan kuwo aan khibrad fiican oo dhanka dareewalnimada ah haysan.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya