4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Hoggaamiyeyaasha dalalka urur goboleedka IGAD oo War-murtiyeed kasoo saaray shir ay kaga haleen colaadda Koonfurta Sudan


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Hoggaamiyeyaasha ururka dalalka IGAD oo maanta kulan ay albaabbadu u xirnaayeen ayna kaga hadlayeen colaadda dalka Koonfurta Suudaan ka taagan ku yeeshay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, iyagoo kulankoodaas kasoo saaray war-murtiyeed wadajir ah.

War-murtiyeedka oo ka koobaan shan qodob ayaa lagu sheegay in kooxaha ku dagaalamaya dalka Koonfurta Suudaan ay billaabaan wadahadallo aanay ku xirnayn wax shuruud ah, in xabbadda iyo cadowtooyada la joojiyo, inay la sameeyaan xiriir deg-deg ah hoggaamiyeyaasha IGAD madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Suudaan, Riek Machar oo hoggaaminaya mucaaradka la dagaalamaya xukuumadda dalkaas.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay war-murtiyeedka in dhinacyada dagaalku u dhexeeyo ay ilaaliyaan shacabka iyo shaqaalaha hay’adaha samafalka ee ku sugan dalkaas iyo dagaalku uu noqdo mid siyaasadeed oo uusan noqon mid ku saleysan qabiil ku saleysan.

Qodobbadan ka sokow waxaa la isku afgartay iyo dhinacyada dagaalamaya ay ilaaliyaan sharciyada dagaalka, dagaalkuna uusan wax lug ah ku yeelan shacabka, ciidamada nabad ilaalinta ah ee dalkaas iyo weliba shaqaalaha ka shaqeynaya samafalka.

Waxaa kaloo war-murtiyeedka lagu sheegay in 10-casho gudahood la billaabo wadal u dhexeeya laba dhinaca ee dagaalamaya, iyadoo IGAD loogu baaqay inay ka shaqeyso halkii wadahadalka lagu qaban lahaa iyo wixii ku bixi lahaa.

Dhanka kale, waxaa lagu xusay war-murtiyeedka hoggaamiyeyaasha IGAD ay soo saareen in wasiirradda arrimaha dibadda ee IGAD iyo xubno ka socda golaha amniga iyo nabadgalyada Midowga Afrika ay dib ugu laabtaan Jubba si isha ugu hayaan waxyaabaha kasoo cusboonaada colaadda  dalkaas weli ka socota.

Mas’uul ka tirsan madaxtooyada dalka Kenya ayaa war-murtiyeedkan kasoo baxay shirkan u qaybiyay saxaafadda markii uu soo dhammaaday iyadoo la filayo in hoggaamiyeyaasha IGAD ay la hadlaan warbaahinta marka ay kasoo baxaan goobta ay ku shirayeen.

Hoggaamiyeyaashii ka qaybgalay shirka waxaa ka mid ahaa madaxeynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn iyo madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Kulankan ay yeesheen Madaxda IGAD ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo ay weli ka socdaan dagaallo culus oo u dhexeeya ciidamada Koonfurta Suudaan iyo kooxaha mucaaradka ah ay ka socdaan gobollo ka tirsan dalkaas oo 2011 ka qaatay xorriyaddiisa dalka Suudaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya