4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 27, 2013
Booyadaha biyaha u dhaamiyaha Hargeysa oo ku dhawaaqay shaqo joojin iyo saameynta ay ku yeelanayso shacabka (SAWIRRO)


Jimco, December 27, 2013 (HOL) — Booyadaha biyaha u dhaamiya xaafadaha magaalada Hargeysa, ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin ka dib markii ay sheegeen in lagu kordhiyey cashuurtii waddo marista.

Dhawr boqol oo booyadood ayaa iskugu yimid labadda dhinac ee Bariga iyo galbeedka magaaladda Hargeysa, kuwaas oo warbaahinta ugu waramay inay shaqadda u joojiyeen cashuur faro badan oo lagu kordhiyey, isla markaana ay la noqon wayday inay iyaguna dadka danyarta ah ee ay u adeegaan ku kordhiyaan qimaha biyaha.

“Waxaa nagu kalifay in aanu mudaharaadkan Salmiga ah samayno dhibaato nagala soo daristay cashuuraha ay xukuumaddu na saartay kuwas oo ah kuwo aanaan qaadi karayn, markaa waxay nala noqotay inaanu iska dhigano booyadaheenna oo dhibta aanu ku qabno ay nala dareemaan Dawladda iyo dadweynuhuba” ayuu yidhi afhayeen u hadlayey booyadaha C/laahi Caydiid.

waxaanu intaas ku daray “wasaaradda Maaliyadda iyo Arrimaha gudahaba waanu u tagnay waxay noogu jawaabeen Baarlamaan baa Ansixiyey markaa iska bixiya Cashuurta, dee anana waxaanu xal moodnay in aanu iska dhigano baabuurtayada maadaama aanaan awoodi karayn”

booyadleydan ayaa sheegay in markii hore laga qaadi jiray shan iyo toban dollar lixdii biloodba, balse imika laga dhigay lacag ku dhow konton dollar, taasoo ay sheegeen in aanay awoodi Karin inay lacagtaasi bixiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, shaqo joojintan ay booyaduhu sameeyeen ayaa saamayn ku yeelan doonta shacabka magaaladda Hargeysa oo kala badh biyo toos ah aan helin, isla markaana ku xidhan booyadaha wax dhaamiya, maadaama oo Hargeysa u badan tahay Buuralay aanay biyuhu wada gaadhi karin.






Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland