4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
Midowga Afrika oo IGAD ku Amaanay Booqashadii xubno ka tirsan Ururkaas ay ku tageen Magaalo-madaxda Koonfurta Suudaan

Arbaco, December 25, 2013 (HOL) — Gudoomiyaha Midowga Afrika haweynayda lagu magacaabo Dr Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa war-saxaafadeed ay ka soo saartay xafiiskeeda ku  ammaantay kaalinta urur goboleedka IGAD uu ka gaystay in la isku soo dhaweeyo dhinacyada isku haya Koonfurta Suudaan oo ay ka socdaan dagaallo dad badan ay ku nafwaayeen.

Waxaa war-saxafadeedka ay ku sheegtay in wasiirro arimo dibadeedyada xubinta ka ah IGAD safarkii ay ku tageen magaalada Jubba uu qayb ka yahay dadaallada loogu jiro in xal siyaasadeed looga gaaro colaadaha kasii daraya ee ka socda Koonfurta Suudan.

“Midowga Afrika waxaa uu soo dhaweynayaa shaqadii ay qabteen wasiirada arimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD,” ayaa lagu yiri warka ay soo saartay Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma, kaasoo si cad loogu muujiyay in Midowga Afrika uu ka  xan yahay dhibaatooyinka hadda ka socda meelo ka mid ah dalkaas.

Sidoo kale Dr Nkosazana ayaa si gaar ah ugu xustay warkeeda in ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn uu kaalin muuqata ka gaystay fududeynta safarkii magaalada Jubba ay ku tageen  wasiirro ka socday wadamada xubnaha ka ah IGAD.

“In badan waxaa Midowga Afrika uu taageerayaa dadaallada ay sameeyeen xubnihii halkaa booqday,“ ayaa  mar kale lagu soo daray warka oo lagu canbaareeyay khasaaraha ka dhashay dagaalladi dhacay maalmihii la soo dhaafay

Madaxda booqatay Koonfurta Suudaan maalmo ka hor  ayaa ka socday wadamada kala ah Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, Suudan, Uganda iyo Kenya, iyagoo intii ay joogen Jubba shirar la galay dhinacyada is haya.

Ugu danbayntii wafdiga ka socday urur goboleedka IGAD oo Soomaaliya ay u matalaysay wasiiradda arimaha dibada Fowsiya Yuusuf  waxa ay la kulmeen madaxweyne Silva Kiir oo qabiilka Dinka ka soo jeeda iyo haweeneydii uu ka geeriyooday madaxweynihii hore John Gran oo iyadana lagu magacaabo Rebecca Gran, taasoo iyadana ka soo jeeda qabiilka Nuwer, isla markaana wax ka abaabulaysay dagaallada halkaa ka socda.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]