4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Dec 25, 2013
Dagaallada ka socda Koonfurta Sudan Muddada Halka Toddobaad ka badan oo la sheegay inay ku dhinteen Kumannaan Qof

Arbaco, December 25, 2013 (HOL) — Kumannaan ruux oo u badan dadka u dhashay dalka Koonfurta Sudan ayaa la sheegay inay ku dhineen dagaallada dalkaas ka socda muddada halka toddobaad ka badan.

Wararka laga helayo dalkaas ayaa sheegaya in la helay qabri-wadareedyo ay ku aasan yihiin dad rabadan, iyadoo Qaramada Midoobay ay sheegtay inay u dirayso deegaannadaas ciidammo nabad ilaalin ah oo fara badan.

Dhul ballaaran oo ka tirsan Koonfurta Suudaan ayaa waxaa weli gacnta ku haya xoogagga mucaraadka ah ee kasoo horjeeda dowladda dalkaas, iyadoo dowladdu ay sheegayso inay u tabaabushaysanayso sidii dib ugu qabsan lahayd magaalada muhiimka ah ee Bor oo ku taalla waqooyiga dalkaas.

“Shaki kuma jiro in kummannaan qof ay ku dhinteen colaadaha dalkaas weli ka taagan, taasna waxaa caddeyn u ah qabri-wadareedyada la arkay,” ayuu yiri mas’uulka dhinaca bani’aamnimada Qaramada Midoobay u qaabilsan dalka Koonfurta Suudaan, Toby Lanzer.

Madaxa hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay, Navi Pillay ayaa isaguna sheegay in xabaalo-wadareedyada intooda badan laga helay deegaannada ay gacanta ku hayaan kooxaha mucaaradka ah ee hubeysan, gaar ahaan magaalada Bentiu iyo laba qabri oo noocan ah oo laga helay magaalada caasimadda ah ee Jubba.

Colaadaha ka taagan dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxay u dhexeeyaan ciidammo daacad u ah madaxweynaha dalkaas Salva Kiir, iyo malleeshiyo hubeysan oo ay ku jiraan ciidammo oo iyaguna daacad u ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar oo xilka laga eryay bishii July ee sannadkan.

Saraakiil ayaa u sheegay warbaahinta caalamka qaarkeed in 500 oo qof la dilay muddo dhowr maalmood gudahood ah, iyadoo dad badan oo kalena siyaabo kala duwan loogau dilay dalkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad si tarab-tarab ah loo dilay iyo kufsi baahsan oo ay ku kaceen ciidamada dalkaas ee madaxweyne Salva Kiir taageersan, inkastoo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas uu beeniyay in falal xasuuq ah loo geystay dad kasoo jeeda beesha Nuweer ee Riek Machar uu kasoo jeedo.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa u sheegay warbaahinta caalamka inuu doonayo inuu wadahadallo la galo Kiir, balse marka hore ay tahay in xabsiyada laga sii daayo dadka siyaasadda u xirxiran.

Afhayeenka hay’adda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa isna u sheegay warbaahinta caalamka inuu arkay qabri-wadareed Isniintii lasoo dhaafay laga helay magaalada Bentiu oo xarun u ah gobolka shildaalka laga leh ee Unity, isagoo xusay inuu tiriyay maydadka 34-qof oo mar qura lagu aasay qabrigaas.

Salva Kiir ayaa ku eedeeyay Riek Machar oo ah ninka ay dagaalamayaan in uu abaabulay afgambi milateri oo uu doonayay in isaga talada looga tuuro, balse Machar ayaa iska fogeeyay eedeyntaas, waxaana dagaallada dalkaas ka socda laga baqdin qabaa inay isku rogaan kuwo sokeeye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya