4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 24, 2013
Ciidamada Dalka Koonfurta Sudan oo lagu eedeeyay in ay laayeen boqollaal qof oo kasoo jeeda Qabiilka Nuweer ee Dalkaas


Talaado, December 24, 2013 (HOL) — Ciidamada dalka Koonfurta Suudaan ayaa lagu eedeeyay inay xasuuq u geysteen boqlaal qof oo dumar iyo ilmo ay ku jiraan oo kasoo jeeda qabiilka Nuweer oo uu ka dhashay madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Riek Machar.

Suxufiyad ku nool magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Sudan ayaa sheegtay inay la kulantay saddex qof oo uga shakeeyeey xasuuq ay ciidanka dalka Koonfurta Suudaan u geysteen in ka badan 200-qof oo laga qabqabtay gudaha magaaladaas.

“Dadka aan la kulmay waxay ii sheegeen in ciidamada amniga Jubba ay 200 oo qof u taxaabeen xabsiga ayna mid mid u toogteen, sidoo kalena ay jirto in dad badan loogu galay guryahooda oo lagu dhex-toogtay,” ayay BBC-da u sheegay suxufiyadan.

Sidoo kale, xogyahaha guud ee Qaramada Midoobay, Bak Ki-Moon ayaa isna sheegay in la kordhiyay tirade ciidamada Qaramada Midoobay ee Koonfurta Suudaan ku sugan, si looga jawaabo rabshadaha isi sii taraya ee dalkaas ka socda.

Mar sii horreysay ayuu Mr. Ban Ki-Moon wuxuu digniin u diray dhinacyada ku dagaallada dalka, isagoo sheegay in kuwa ku kacaya falalka xun-xun ee ka dhanka ah bani’aadamniada mid mid loola xisaabtami doono.

“Caalamka oo idil wuxuu daawanayaa dhinacyada Suudaan. Weerarrada lagu qaadaya dadka rayidka ah iyo ciidamada Qarammada Midoobay ee halkaas loo geeyay inay dadka rayidka ah ilaaliyaan waa in si deg-deg ah loo joojiyo. Qaramada Midoobay baaritaan ayay ku sameyn doontaa eedeymaha ah in la geystay xadgudubyo baahsan iyo xadgudubyo ka baxan bani’aadamnimada, kuwa mas’uulka ka ah xadgudubyada waxaa loo xisaabami doonaa si shaqsi ah, waxayna wajihi doonaan ciqaabta ay mudan yihiin xitaa haddii ay ku doodaan inay weerarradaas aysan waxba ka ogeyn,” ayuu yiri Ban Ki-Moon.

Madaxweynaha dalka Koonfurta Suudaan, Salva Kiir ayaa sheegay inay ka go’an tahay in xal waara loo raadiyo rabshadaha ka aloosan dalkiisa, si dib loogu soo celiyo nabad-galyada iyo xasilloonida.

“Waxaan u baahannahay midnimo iyo inaan muujinno inaan nahay hal Qaran oo kasoo horjeeda xoogagga ay ka go’an tahay inay dumiyaan dalka. Dhammaanteen waan ogsoonnahay socodka dheer iyo qiimaha badan ee aan ku bixinnay inaan noqonno dal xor ah, waxaan oran lahaa ma doonayo in dib loogu celiyo dalka Koonfurta Suudaan dagaal,” ayuu yiri Salva Kiir.

Hoggaamiyaha mucaaradka oo horay u ahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar ayaa sheegay inuu wadahadal diyaar u yahay, balse ay tahay in marka hore ay xukuumaddu sii dayso dadka siyaasadda loo xir-xiray ee toddobaadkii hore xabsiyada loo taxaabay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Somaaliya