Hiiraan Online
4/28/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Isniin, Dec 23, 2013
Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta booqday xarunta Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee Muqdisho (SAWIRRO)
Isniin, Dece
23, 2013 (HOL)
—
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tegey xarunta wasaaradda gaashaan
-
dhigga ee magaalada Muqdisho.
Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku weheliyey saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida, wuxuuna mid mid u galay dhammaan qaybaha ay xarunta wasaaraddu ka kooban tahay.
Madaxweyne Xasan oo
intaas
kaddib kulan la qaatay saraakiisha ciidamada, ayaa sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay shaqada adag ee ay hayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Dadaal badan ayuu madaxweynuhu sheegay in loo soo galay sidii ciidamadii xoogga dalka Soomaaliyeed dib loogu soo nooleyn lahaa, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay waxa ilaa iyo hadda qabsoomay iyo weliba sida ay howshu ku socoto.
HALKAN KA DAAWO SAWIR
RO BADAN
Ugu dambeyntii, wuxuu ku boorriyey qaybaha kala duwan ee ciidamada Soomaaliyeed, inay xil weyn iska saaraan sidii ay u gudan lahaayeen wajibaadka saaran ee loo dhaariyey
, isagoo xusay in
cii
dan xooggan oo dalku yeesho uu yahay sida keliya ee lagu heli karo dowlad Soomaaliyeed oo
quwa
d leh, si fiicanna
cagaheeda isugu taagta.
Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiy
o Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
, waxaa caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla kamid ah
: sugidda ammaanka iyo weliba sidii ay dalka oo dhan uga dhigi lahayd mid xasilloon.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya