4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
Odoyaasha gobolada Jubbooyinka oo ku baaqay in si dhaqso ah lagu joojiyo Colaadaha ka aloosan Shabeelaha Hoose

Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka beelaha dega gobollada Jubooyinka oo maanta kulan ku yeeshay Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo ayaa si kulul uga hadlay colaadaha ka aloosan gobolka Sh/hoose, iyagoona ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay soo farageliso.

Kulan ballaaran ayai waxa isugu yimid qaar kamid ah odoyaasha beelaha dega Jubooyinka islamarkaana ay soo qabanqaabisay beesha digil iyo mirifle ee degta Jubooyinka ayay odoyaashu si kulul ugu cambaareeyeen dagaallada kusoo noqnoqday gobolka Sh/hoose.

Ugaas Faarax Axmed Sheekh oo kamid ah ugaasyada beesha Digil iyo mirifle ee gobollada Jubooyinka ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dagaallada kusoo noqnoqday gobolka Sh/hoose, isagoo intaa ku daray in laga soo gudbay dagaalladii sokeeyo islamarkaana uu dalku yeeshay dowlad la aqoonsanyahay.

Masuulkan ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya in ay si deg deg ah usoo farageliso xiisadaha ka aloosan gobolkaasi islamarkaana ay ka  shaqeeyso sidii nabad loogu soo dabaali lahaa gobolkaasi.

Gabi ahaan odayadii goobta ka hadlay ayaa si isku mid ah u cambaareeyay dagaallada ka aloosan gobolkaasi, waxayna ugu baaqeen dhinacyada ay dirirtu u dhexeeyso in ay hubka iska dhigaan islamarkaana wadahadal ay ku xalliyaan wixii khilaaf ah ee ka dhex jira.

Baaqaan kasoo yeeray odoyaasha dhaqanka beelaha dega Jubooyinka ayaa kusoo beegmaya iyadoo mudooyinkii u danbeeyay ay gobolka Sh/hoose ka dhacayeen dagaal beeleedyo, sababay khasaarooyin kala duwan.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya