4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 21, 2013
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Ruuxii la arko isagoo ay jid-gooyo u taallo Xukunkiisu wuxuu noqonayaa dil Toogasho ah”

Sabti, December 21, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay xaflad lagu maamuusayay sannad-guuradii 70-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ciidanka booliiska Soomaaliyeed oo xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in ruuxii la arko isagoo jid-gooyo ay u taallo uu xukunkiisu noqonayo dil toogasho ah.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in ciidanka booliiska Soomaaliya looga baahan yahay inay arrintaas wax ka qabtaan, wuxuuna dadka jid-gooyada dhigtay ku tilmaamay kuwo dhibaato ku haya shacabka Soomaaliyeed, dowladduna aysan u dulqaadan doonin dhibaatooyinka shacabka lagu hayo.

“Dadka ay jid-gooyooyinka u yaallaan Muqdisho iyo gobollada dalka haddii la arko xukunkooda wuxuu noqonayaa dil toogasho ah, waayo waxay dhibaato ku hayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool goobaha ay jid-gooyooyinka dhigteen iyo deegaannada ka fog-fog intaba, sidoo kalena waxay caqabad ku yihiin ganacsiga dalka,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka hadlay dagaallo beeleedyo ka socda gobollada dalka qaarkood ayaa xusay inaysan u dul-qaadan doonin dowladdu sii socoshada dagaallada habka beeleed ku saleysan.

“Waxaan rabaa inaan caawa halkan ka caddeeyo in dagaallo beeleedyo aan loo dulqaadan doonin, ciidamada dagaallada isaga soo horjeedana la kala qaado,” ayuu si kooban u yiri Xasan, oo intaas ku daray in dagaalladan ay qayb ka yihiin qorshayaal lagu doonayo in sumcadda dowladda hoos loogu dhigo.

Mar uu ka hadlayay ciidamada dowladda ee la sheegay inay dagaalladaas ku saleysan beelaha ka qaybgaleen ayuu sheegay inaysan waxaasi waxba ka jirin ayna tahay mid la doonayo in Soomaaliya mar kale cunno-qabteyntii hubka ee horay looga qaaday lagu celiyo, sidoo kalena lagu dilo sumcadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia wuxuu ka hadlay ciidamada booliiska iyo qiimaha ay leeyihiin, isagoo sheegay in booliisku ay yihiin iridka laga galo nabadda, wuxuu ugu hambalyeeyay ciidamada booliiska howsha ay qabteen dhowrkii sano ee ugu dambeeyay.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in dowladdu ay xoogga saartay sidii ay u daryeeli lahayd agoontii ay aabbayaashood ku dhinteen danta Qaranka Soomaaliyeed.

“Dowladdu waa mid iska tabar yar, balse waxay xoogga saartay sidii loo dar-yeeli lahaa agoontii aabbayaashood ay danta guud ee Qaranka u dhinteen; taasna waa mid aan sii wadi doonno oo naga go’an,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyay saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo taliyeyaashooda kuwaasoo u sheegay inay muujiyeen howl-karnimo dheeraad ah.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya